Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dhakhaatiir Ajaanib ah Oo Adeegyo Caafimaad Oo Lacag La’aan ah Ka Wadda Magaalada Baligubadle

Waxa Maalintii shalay Cusbitaalka guud ee magaalada Baligubadle ee xarunta gabolka HAWD

ka bilaabmay adeeg Caafimaad oo Dhakhaatiir ajaanib ahi ay si tamarucaad ah u bixinnaayan. 

Dhakhaatiirtan Ajaanibka ah ayaa ka socda dalka Pakistaan, waxaannay tiraddoodu dhan tahay 19 Dakhtar, iyagoo muddo lix maalmood ah ka hawl-geli donna magaalada Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd sida ay u qorshaysay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Dhakhaatiirtan Ajaanibka ah ayaa adeegyadda ay bixinnayaan waxa ka mida Qalliinka iyo Daawaynta Indhaha oo loo samaynaayo dadka u baahan Adeegyaddaas.

Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka HAWD Axmed Cali Dirayse ayaa Hadhwanaagnews u sheegay in 19-ka Dakhtar ay gobolka ku sugnaan doonnaan ilaa Lix maalmood, isla markaanna ay ilaa 500 oo ruux ay eeggeen, iyagoo Lixdan qofna u sameeyay Qalliin indhaha.

Isu-duwaha gobolka HAWD Axmed Cali Dirayse waxa uu sheegay in Wasaaradda Caafimaadku ay ugu talo-gashay inay dadweynaha gobolka HAWD ay ka faa’iidaystaan adeegyadda ay bixinayaan Dhakhaatiirtan Ajaanibka ah, isagoo intaas ku daray in 19-kan Dhakhtar ay ka socdaan Hay’adda Al Basal Foundation , waxaannu ugu baaqay dadweynaha magaalada Baligubadle iyo guud ahaan gobolka HAWD-ba inay ka faa’iidaystaan Adeegyaddan Caafimaad ee lacag la’aanta ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com