Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maxaa Baajiyey Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Wakhti Dhawaaqa Xukuumada La Dhawrayo?

Shirkii golaha wasiirada xukuumada somaliland ee todobaad walba la qaban jiray khamiista ayaa baaqday maanta Shirkan oo inta badan lagu soo qaado qodobada ugu waa weyn ee dalka ka dhacay todobaadka dhamaanaya ayaan qabsoomin maanta wakhti bulshadu ay u dhag taagayso dhawaaqa xukuumada ee ku saabsan xaaladaha amni ee ka soo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.
Shirka golaha wasiirada xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ayaan la filayn inuu baaqdo marka la eego saamaynta balaadhan ee ka dhalatay isku dhacyadii beelaha degmada Ceel Afweyn oo haatan u muuqda inay waji kale yeelanayaan.

Hawl galkii milatari ee ciidamada somaliland ay ka qaadeen kooxda Kornayl Caare ayaa sidoo kale la filayey in xukuumadu ay faah faahin kaga bixiso shirka golaha wasiirada.

Dhinaca kale xukuumada somaliland ayaan ilaa hada ka hadal isla markaana aan shacabka warbixin ka siin xaaladaha amni daro ee ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, mudaharaadkii ka dhacay Burco iyo dagaaladii Ceel Afweyn ee beelaha walaalaha ah dhexmaray, marka laga tago ciidanka booliska iyo badhasaabka Togdheer oo xaaladaha jira si kooban uga hadlay.

Aamusnaanta xukuumada ayaa ku soo beegmaysa wakhti madaxweynaha loo soo jeedinayo baaqyo culus oo ku saabsan wax ka qabashada xaaladaha amni daro ee ka soo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, waxaana ilaa haatan la dhawrayaa waxa ay noqon doonaan dhawaaqa ama ficilka ka soo bixi doona xukuumada Biixi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com