SABABAHA AANAY MADAXWEYNE BIIXI IYO FARMAAJO XAL U GAADHI KARIN, DHEXDHEXAADNIMADA ITOOBIYA IYO TURKIGA OO AAN KALSOONI LAGU QABIN IYO RAADKA TABAN EE IMAARAADKA!

Hay’adda xasaradaha adduunka ee International Crisis Group ayaa warbixin ay soo saartay jimcihii shalay, oo uu GEESKA AFRIKA nuqul ka mid ah helay waxa ay kaga warantay caqabadaha hortaagan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo fursadaha ay u aragto in ay weli jiraan.

Warbixintan oo 27 bog ka koobnayd waxa ay ICG ku sheegtay in xiisadaha Somaliland iyo Soomaaliya ay muddooyinkii u dambeeyey sii xoogeysteen, sababahana ay ka mid tahay, colaadda xuduudka ee Somaliland iyo Puntland oo u daacad ah nidaamka Federaalka iyo heshiiska maamulista dekedda Berbera ee ay Somaliland la gashay shirkadda Imaaraadka Carabta ee DP World iyo dawladda Itoobiya, arrintaas oo ay Muqdisho u aragtay in ay meel ka dhac ku tahay qaranniadmii ay sheeganaysay.

Si kastaba ha ahaato ee ICG waxa ay sheegtay in ay jiraan cadaadisyo caalamiya oo la doonayo in dib loogu bilaabo wadahadallada oo joogsaday sannadkii 2015 kii. Laakiin waxa ay hoosta ka xariiqday in duruufaha hadda jira awgeed aanay suurtagal ahayn in Somaliland iyo Soomaaliya ay ka wadahadlaan arinta masiiriga ah ee gooni isu-taagga Somaliland, iyada oo sababta ku sheegtay.

– Doorashada Soomaaliya ee baarlamaanka iyo madaxweynaha oo la filayo 2020 iyo 2021 ka; waxa ay sheegtay maadaama oo uu madaxweyne Farmaajo doonayo in uu mar labaad soo noqdo, in ay taasi u diidayso in uu galo wadahadal kasta oo tanaasul iyo gorgortan gelin kara, aragtidii wadaniyadda ahayd ee uu markii hore ku ol’oleeyey isla markaana loo arko in ay sabab u ahayd guushiisii madaxweynenimada ee hore.

– Taariikhda xanuunka leh ee u dhexeysa Somaliland iyo Soomaaliya.

– Labada dhinac oo muddo tobannaan sano ah kala madaxbannaan, dhinac kastaana nidaamkiisa gaarka ahi u dhismay.

– Warbixintu waxa ay sheegtay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo hore uga mid ahaa hoggaamiyeyaasha jabhad dabayaaqadii siddeetamaadkii dagaal la gashay dawladdii Muqdisho, in aanu sida madaxweynihii ka horreeyey (Siilaanyo) ugu furfurnayn gorgortanka iyo in xal dhexe la isugu yimaadd. Iyada oo taas ay dheertahay cadaadis kaga iman doonaa aragtiyaha ku xeeran ee aadka ugu dheggen gooni isutaagga Somaliland, kuwaas oo nacdal u arka wax tanaasul ah oo Soomaaliya loo sameeyo. Ayaa lagu sheegay warbixinta.

– Dalalka Gacanka oo uu loollan u dhexeeyo ayaa iyaguna ah caqabad kale oo hortaagan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaiya, maadaama iyaga oo ka faa’iidaysanaya xidhiidhada ay la leeyihin dhinacyada ay fashilin karaan wadahadallada, haddii ay u arkaan in ay ka soo baxayso natiijo aan u fiicnayn danahooda.

Hay’adda ICG waxa ay sheegtay, dawladda Imaaraadka Carabta oo xidhiidh fiican la leh Somaliland, in aan laga filayn inay soo dhoweyso wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, iyada oo ka taxaddaraysa in ay ka soo baxaan go’aamo ku qasba in ay arrimaha danteeda ah qaarkood laga tala geliyo dawladda Muqdisho. Waxa aanay sheegtay in Imaaraadku uu ku raalli noqon lahaa in dawladda Soomaaliya ee ay Somaliland wadahadallada la bilaabaysaa ay noqoto, dawladda Farmaajo kaddib iman doonta. Markaas oo ay dhici karto in ay xidhiidh fiican la samayso dawladda federaalka, lagana yaabo in ay dabac badan u muujiso arrimaha doonayso.

Si kastaba ha ahaato ee waxa ay warbixintu sheegtay in ay weli jirto arrimo ay Somaliland iyo Soomaaliya ka wada hadli karana, kuwaas oo ka sokeeye go’aan ka gaadhista masiirka Somaliland. arrimahaas oo ay sheegtay in ay yihiin kuwo labada dhinacba ay dani ugu jirto, waxaa ka mid ah; ammaanka, is-dhaafsiga xogta sirdoonka iyo la dagaallanka Alshabaab, arrimaha dhaqaalaha ee labada dhianc dantu ugu jirto, isu socodka dadka iyo ganacsiga iyo in ay ka wada hadlaan sidii ay uga wada faa’iidaysan kari lahaayeen deynta laga dhaafayo Soomaaliya, oo la filayo in ay horseeddo maalgashi iyo shirkado qodista iyo soo saarista shidaalka ka shaqeeya oo yimaadda. Hay’adda xasaradaha adduunku waxa ay ku talisay in labada dhianc ay ka heshiin karaan sidii shirkadahaasi ay uga shaqayn lahaayeen badda ay wadaagaan.

Soojeedimaha ICG

– In wadahadallada la bilaabayo loo helo dhexdhexaadiye taageero ka haysta dalalka gobalka ee danaha ka leh Soomaaliya iyo Somaliland. Iyada oo cidda ugu habboon ee wadahallada Somaliland iyo Soomaaliya wadi karta ku sheegtay in uu yahay Midowga Afrika. Waxa aanay soo jeedisay in la helo shakhsi masuul qaran ah oo ka soo jeeda Afrika iyo guddi musdambeed u noqota oo ka soo jeedda dalalka danaha ku leh Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin Turkiga, Itoobiya, Sweden iyo Switzerland iyo sida oo kale midowga Yurub. Arrintaas oo ay ICG sheegtay in lagaga hortegi karo khatarta wadahadallada kaga iman karta dalalka tirada badan ee u tartamaya raad ku yeelashada gobalku haddii ay u arkaan in dhexdhexaadintu ay khatar ku tahay dantooda.

– Dalalka Itoobiya iyo Turkiga oo xidhiidh adag oo diblumaasiyadeed la leh Somaliland iyo Soomaaliya isla markaana danaynaya in ay hoggaanka u qabtaan wadahadallada labada dhinac, ayaa ay warbixintu sheegtay in aanu midkoodna heli karin kalsooni buuxda oo labada dhinac ah. Turkiga waxa uu si gaar ah ugu dhow dawladda Federaalka Soomaaliya siyaasaddiisuna, waa midnimo sidaa awgeed ergeynimadiisu taageero badan kama helayso Somaliland. Itoobiya inkasta oo ay muddooyinkii dambe xidhiidh fiican la yeelatay Soomaaliya, haddana xidhiidhka adag ee ay muddada dheer lalahayd Somaliland ayaa shaki gelinaya Soomaaliya, dhinaca kalana muddooyinkii u dambeeyey ee uu Abiy Axmed qabtay talada Itoobiya, nidaamkiisa diblumaasiyadeed ee Soomaaliya ku aaddani waxa uu shaki ku abuuray Somaliland, taasina waxa ay dhaawacaysaa kalsoonida dhexdhexaadnimadiisa ay ku qabi lahayd.

Gunaanad

Warbixinta ICG ee uu Geeska Afrika soo koobay, waxa ay ka warrantay cadaadisyo gudaha Somaliland kaga furan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxa aanay hoosta ka xariiqday in wax-ka-qabashada cadaadisyadaasi ay saamayn togan ama taban ku yeelanayso raasamaalkiisa siyaasadeed.

Waxaa ka mid ah xiisadda sii socota ee u dhexeysa Somaliland iyo Puntland, isku dhaca beelaha ee Sanaag oo isa soo taraya, iyo cadaadis kale oo ka saaran in uu xal u helo muranka u dhexeeya xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, oo kalsoonida kala noqday Komishanka doorashooyinka, si ay sannadkan u qabsoonto doorashada muddada dheer soo dib dhacday ee baarlamaanku.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com