Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Banaan Bax Lagaga Soo Horjeeday dhawaaqii Ingiriiska oo Ka dhacay Bali-gubadle

Hargeysa (msl)-Banaan-bax lagu caddaynayo Nabadgelyada buuxda ee ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland, lagagana soo horjeedo warbixinahii wasaaradda Arrimaha dibadda ee Ingiriiska ayaa maanta ka dhacay Degmadda Balligubadle ee xarunta Gobolka Hawd.

Kumanaan dadweynaha degmadaas ah ayaa isugu soo baxay badhtamaha magaalada kuwaaso socod nabadgelyo ku maray wadada weyn ee magaaladaas dhexmarta, iyagoo ku dhawaaqaya kelmado cadaynayey nabadgelyada iyo xasiloonida taamka ah ee ka jirta dalka Somaliland.

Banaanbaxa ka bacdi waxaa meel fagaare ah shir jaraa’id ku qabtay ku simaha Mayorka degmada Balligubadle, ahna Mayor ku xigeenka degmada Md Mowliid Jaamac Yuusuf iyo Xoghayaha Dawlada hoose ee degmadaas C/kariim C/raxmaan oo ay wehelinayeen xubnahii golaha deegaanka ee dhowaan la doortay.

Banaan-baxeyaashu waxay ku caddeeyeen in nabadgelyada Somaliland ay tahay mid la isku hallayn karo waqtiga dheer isla markaana aanay haba yaraatee waxba ka jirin warbixinaha ay dalalka qaarkood ku doonayaan inay ku waxyeeleeyaan nabadgelyada dalkan. waxayna ugu baaqeen shacabka somaliland inay u midoobaan adkaynta midnimadooda iyo wada jirkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com