Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dawladda Mareykanka Oo Muwaadiniinteeda Ugu Baaqday In Aanay U Socdaalin Soomaaliya Iyo Somaliland.

(msl.Nairobi)-Dawlada Mareykanka, ayaa ugu baaqday in muwaadniinta u dhashay dalkaas in aanay u safrin Somaliya iyo Somaliland oo ay sheegtay in xaalada ammaanku aanu wanaagsanayn.
Hadal qoraal ah oo ay soo saartay safaaradda Mareykanku ayaa lagu sheegay inay heleen warar lagu kalsoon yahay oo ah khatar soo dhow oo ka dhan ah dadka reer galbeedka ah oo ay ku jiraan dadka u dhashay Mareykanka ee ka shaqeynaaya ama booqanaya Somaaliya.
Qoraalkan waxaa lagu sheegay in la xusuusinaayo dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ee Soomaaliya jooga ama ka fekeraaya inay u safraan qeyb ka mid ah Soomaaliya in wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka ay kula talineyso muwaadiniinta Mareykanka inay iska ilaaliyaan dhamaan safarada Soomaaliya.
Dadka Mareykanka ee hadda Soomaaliya ku sugan waxa ay safaaradda Nairobi ku boorrineysa inay dib eegaan qorshahooda ammaan ee qof ahaaneed, iyo inay la socdaan waxyaabaha hareerahooda ka dhacaya oo ay ku jiraan waxyaabaha dalka gudihiisa ka dhacaya sida inay la socdaan wararka idaacadaha gudaha si joogto ah.
Hadalkan ayaa ku soo beegmay iyada oo bishii hore ay dawladda Britain uga baaqday dhammaan dadkeeda inay ka soo baxaan Somaliland.
Qoraalka Uu Maraykanku Soo Saaray Oo Ingiriisi Ah Wuxuu U Dhignaa Sidan.
Emergency Message for U.S. Citizens: Somalia, Threat to Westerners in Somaliland
Terrorism
Africa > Somalia
2/1/2013
This is to inform U.S. citizens residing in or planning travel to Somalia that the U.S. Embassy in Nairobi has become aware of a credible, imminent threat against westerners, including U.S. citizens working in or visiting Somaliland. We remind all U.S. citizens in Somalia or considering travel to any part of Somalia that the Department of State’s December 26, 2012 Travel Warning for Somalia advises U.S. citizens to avoid all travel to Somalia.
For U.S. citizens currently in Somalia, the U.S. Embassy urges you to review your personal security plans; remain aware of your surroundings, including local events; and monitor local news stations for updates. Maintain a high level of vigilance and take appropriate steps to enhance your personal security and follow instructions of local authorities.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com