Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xildhibaan Ka Mid Ah Baarlamaanka Somaliya Oo Booliska Somaliland ku Qabteen Gobolka Gabiley

Gabilay(msl) Ciidamada booliska Gobolka Gabiley ee Somaliland ayaa maanta gacanta ku dhigay Jaamac Axmed Maxamuud oo la sheegay inuu ka mid ah yahay baarlamaanka dalka Somaliya.

Ciidamada booliska ayaa xildhibaankan gacanta ku dhigay maanta sida uu sheegay Taliyaha qaybta booliska Gobolka Gabiley Mr Ubaxle oo BBC-da la hadlay.

Taliyaha boolisku waxa uu sheegay in ninkaasi uu 22-ka bishii hore ka soo deggay Madaarka diyaaradaha Berbera isla-markaana ay maanta gacanta ku dhigeen ka dib markii ay ka war-heleen inuu si dhuumasho ah ku joogo Gabiley.

Taliyuhu waxa uu sheegay in ninkaasi ay u gudbiyeen Magaalada Hargeysa si baadhitaan loogu sameeyo ujeedada socdaalkiisa, maadaama oo uu si sharci daro ku soo galay Somaliland oo uu mabnuuc ka yahay inuu iska soo gallo qof xil ka haya Somaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com