Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

masuuliyiinta sare ee ururka Xaqsoor oo Taageerayaashiisa Ingiriiska ugu baaqay inay soo dhaweeyaan Madaxweynaha

masuuliyiinta sare ee ururka Xaqsoor oo Taageerayaashiisa Ingiriiska ugu baaqay inay soo dhaweeyaan Madaxweynaha

Hargeysa, (msl)- Afhayeenka Ururkii Xaqsoor Rashiid Aadan Dhari ayaa ka hadlay mustaqbalka Ururka Xaqsoor. Wax kale oo uu ka hadlayey hadal dhawaan ay masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye ku dalbadeen inay ku biiraan Xisbul-xaakimka.

Waxa uu afhayeenku sheegay inaanay u qorshaysnayn inay ku biiraan xisbiga talada haya ee Kulmiye. “Wax wax wada hadal ah oo jira ma jiro, Xaqsoorna Cid ay ku biiraysaa ma jirto, runtii wax warkaasi ka jira ma jiro, marka hadalka halkiisa loogu taggo, Maxmed Kaahin Axmed Mujaahidku baaq uu jeedeyey ayaan maqlay in kasta oo aanan wadda dhugan ujeedadiisa, laakiin waxaan leeyahay Xisbiga Kulmiye iyo dawladiisaba waxanu kala joogna cadceed ka soo bax iyo cadceed ka dhicis, waxna dhexe maraya iyo waxnoo socdana ma jiro.” ayuu yidhi Afheeynku.

Wax kale oo la weydiiyey in uu jiro wax Mudaharaad ah oo ururka Xaqsoor ka abaabulayo London waxanu yidhi. “Mudaharad ma ogi, mana jecli inaan ka hadlo waxanan ogeyn, laakiin waxaan leeyahay madaxweynaha hala soo dhaweeyo.” ayuu raaciyay hadalkiisa Afhayeenka oo u waramayay maanta Telefeshinka Horn Cable Tv.
xuseen xarbi
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com