Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Cuqaal waxgarad siyaasiyiin reer Axmed Dhagax ah oo Sheegay inay barbar istaagayaan Xukuumadda

Hargeysa (msl)-Cuqaal, odayaal iyo waxgarad ka tirsan dadaweynaha Degmada Axmed Dhagax ee caasimadda Hargaysa ayaa maanta kulan ay ku qabteen Hotel Dalxiis ee Magaaladda Hargaysa waxay kaga hadleen arrimo badan oo khuseeya natiijadii doorashadii golayaasha deegaanka, bixintii derejooyinka ciidamada, isku bedelkii badhasaabada gobolada.

waxgarku waxay taageeraan isku bedelkii Madaxweynaha JSL MD Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu ku sameeyey badhasaabadii Gobolada Somaliland. iyagoo bixintii derejooyinka ciidamadana ku tilmaamay mid taariikhi ah oo aan hore u suuro gelin tan iyo intii ay Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda.

Cuqaashan oo ka hadlayey natiijadii doorashadii golayaasha deegaanka ayaa waxay sheegeen in doorashadaasi ahayd mid hanaan wanaagsan ku dhacday, waxayna u soo jeediyeen dhamaan ka qayb galayaashii ku tartamay inay u wada hogaansamaan natiijadii Kumishinka doorashooyinka taasoo ah maslaxad guud oo qaran.

madax dhaqameedkani waxay ballanqaadeen inay xukuumadda isku dhinac ka istaagayaan ka shaqaynta amniga, waxayna u soo jeediyeen waxgaradka kale ee dalka iyo guud ahaanba bulshada Somaliland inay isu taagaan ad.kaynta ammaanka guud ee dalka iyo dadweynaha Somaliland.
xuseen xarbi
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com