Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dowladda Britain oo Ciidamo Udiraysa Somaliya


War uu maanta daabacay Wargeyska lagu magacaabo the Times ee kasoo baxa Magaalada London ayaa shaaciyay in Xukuumadad Britain ay ku howlantahay sidii Magaaladda Muqdisho ay ugu diri lahayd Ciidamo Britain ah.
Ciidamada Dowladad Britain ay dooneyso inay geyso Magaaladda Muqdisho ayaa lagu sheegay inay ilaalo ka ahaan doonaan Safaarad la filaayo in dhawaan ay Britain ka furato Magaaladda Muqdisho ee Caasimada dalka Somaliya,
Warar sidoo kale laga helaayo Britain ayaa sheegaya in Dowladda UK ay dooneyso in Somaliya ay geysato Ciidamo kamadax-banaan kuwa iminka Jooga Somaliya waxaana la sheegay in ciidamadaasi ay qeyb ka noqon doonaan kuwa iminka sugaaya amaanka Magaaladda Muqdisho laakiin lama cadayn in ay ku biirayaan ciidamada Amisom iyo inkale.
Wargeyska ayaa sheegay in Ciidamada la filaayo in Muqdisho la geeyo ay isugu jiraan Saraakiil iyo Ciidamo tababaran mana cadda xiliga la geyn doono balse Wargeyska kan oo ka soo baxa Britain ayaa xusay in Somaliya ay ku wajahanyihiin Ciidamo ka socda Britain.
Si kastaba ha ahaatee Wargeyska ayaa sheegay in Ciidanka ay la socon doonaan Saraakiil tababaro siiya Ciidamada Somaliya waxaana la filaaya in arintaasi dhawaan ay qoraal kasoo saarto Xukuumadda Somaliya oo iyadu marti galin-doonto Ciidamada ka socda Dalka Britain.
Xigasho wargeysaka THE TIMES.
Cabdiraxman Cabdilahi Cisman (Cabdiraxman dhadhere.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com