Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

GARYAQAAN GULEED DAFAC OO SOO BANDHIGAY AWOODAHA SHARCI EE DASTUURKU SIINAYO IN MADAXWAYNUHU CAFIS BIXIYO!

“Awoodda Cafisku Waa Ugaar Madaxwaynaha Oo Cidi Lama Wadaagto, Uma na Baahna In Cid Kale Ansixiso”Garyaqaan Guleed Dafac.

Garyaqaan Guleed Dafac oo kamid ah dadka aqoonta u leh sharciga iyo xeerarka dalka ayaa soo bandhigay qodobada Dastuurka Somaliland ee a hadla Cafis ama saamaxaad uu bixiso madaxwaynuhu iyo awoodihiisa gaarka u ah.

Garqayaan Guleed Dafac ayaa qoraal kooban oo uu arintaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee Facebookga Wuxuna Udhignaa Sidan;

Waa maxay cafisku? Muxuu se kaga duwan yahay saamaxaadda?

Awoodda bixinta cafis (amnesty) ama saamaxaad (pardon) waxa iska leh oo ay gaar u tahay madaxwaynaha sida ku cad qodobka 90(5) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida ku cad qodobka 144aad ee Xeerka Ciqaabta, Madaxwaynuhu wuxuu cafis u fidin karaa cid dembi aan weli lagu soo oogin ama cid eedi ku socoto ama cid la xukumay.

Halka saamaxaaddu ku kooban tahay cid dembi lagu helay oo qayb ka mid ah ama dhamaan ciqaabtii la saaray laga saamaxayo sida ku cad qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta.

Cafisku mid guud iyo mid gaar ahba wuu noqon karaa. Ka guud dad badan ayuu saameeyaa, ka gaarka ahina cid magacaaban.

Cafiska iyo saamaxaddu waa go’aan madaxwayne oo qoran.

Awoodda cafisku waa u gaar madaxwaynaha oo cidi lama wadaagto, uma na baahna in cid kale ansixiso.

Jawaabta su’aasha waydiinteedu igu soo noq noqtay waa intaas

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com