Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Golaha Wakiilada Oo Sabtida Barri La Horgaynayo Mooshin Xilka Lagaga Xayuubinayo Madaxwayne Xigeenka Oo Ay Koox Wasiirro Xukuumadda Ahi Daaha Dabadiisa Ka Hagayaan

. Hargeysa (msl)Khilaafka ka dhex oogan Golaha xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka, ayaa u gudbay Golaha Wakiilada, waxaana socda dedaalo ay ku doonayaan xildhibaanada Wakiilada qaarkood inay xilka kaga tuuraan.

Madaxwayne ku xigeenka, qorshahaasi oo ay wadaan Wasiirro xukuumadda ka tirsan. Mooshinkan oo dardar ku socda, ayaa waxa ilo-wareedyo xog-ogaal ahi Ramaas u sheegeen inay ilaa hadda saxeexeen 27 xildhibaan, waxaana la sheegay in sabtida barri golaha wakiilada la horkeeni doono. Sidoo kale, xoghayihii guud ee golaha Wakiilada Cabdirisaaq Ayaanle, ayaa shaqo joojin lagu sameeyay, ka dib markii sida la sheegay looga shakiyey inuu caqabad ku noqdo qorshaha la doonayo in golaha lagu horkeeno Mooshanka xilka lagaga tuurayo Madaxwayne ku xigeenka. Loolankan u dhexeeya Masuuliyiinta xukuumadda oo sidoo kale ay qayb ka tahay qorshe kooxda Saylici taageersani ay ku diyaarinayaan Mooshin Madaxwayne Siilaanyo lid ku ah, ayaan la ogeyn halka ay salka dhigi doonto. Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo safar dibadaeed ku maqnaa ayaa la filayaa inuu maanta dalka ku soo laabto, kadib markii ay soo baxeen dagaalka siyaasadeed ee xukuumaddu ka dhex bilowday golaha Wakiilada. Qorshaha Wasiirradu ku doonayaan inay xilka kaga tuuraan Saylac oo la sheegay inay u cuskanayaan in aanu xilkiisa u gudanayn sidii uu ahaa, ayaa ilo hoose tilmaamayaan in marka ay u fusho ay damacsan yihiin in Madaxwayne ka xigeen laga dhigo Saleebaan Xaglo-toosiye.

by dhadhere

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com