Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Siilaanyo Markaanu SNM-ta Ahaynba Taladaa Qaloocan Ee Uu Dalka Ku Wado Ayuu Nagu Walaaqi Jiray, Si Aan Ummadu U Kala Yaacin Baanu Kursiga Ugu Haynay ”Xildhibaan Mataan Hoori”


Hargeysa(msl) Xildhibaan Aadan Maxamed Hoori “Mataan” oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland, isla markaana ka mid ahaa hogaamiyayaashii ururkii SNM ee dalka xoreeyay ayaa madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku eedeeyay in dalka uu ku hogaaminayo talooyin qaldan, kuna baaqay in wada tashi qaran laga yeesho xaalada uu dalku marayo wakhtigan xaadirka ah. Xildhibaan Mataan ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Siilaanyo muddadii uu SNM hogaaminayay uu si xun u maamulayey, balse ay joogeen rag SNM ah oo kaantarool adag ku hayay. Md Mataan ayaa sidaasi ku sheegay xogwaraysi kooban oo uu warbaahinta la yeeshay, kaas oo uu sidoo kalena kaga hadlay khilaafyada madaxweynaha iyo ku xigeenka.

Ugu horayna isaga oo ka hadlaya xaalada dalka iyo hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo waxa uu yidhi “Xaalada dalku maalinba maalinta ka dambaysa wado qaloocan uun buu ku taagan yahay, waana intii maamulkan Siilaanyo uu dalka hogaaminayay, intaa in ka badana uma malaynayo in laga aamusayo ee ummada runtaa loo sheegi Madaxweyne Siilaanyo, markaanu SNM ka wada tirsanaynba sidaa uu dalka maanta u walaaqayo ayuun buu nagu haystay, si aanay ummadu u kala yaacin ayuun baanu kursiga gudoomiyaha SNM ugu haynaye, laakiin barigaa talaan gacanta ugu jirine rag SNM ah ayaa si buuxda gacanta talada ugu hayay arrin aanay ogayna kumuu dhaqaaqi jirin, markaanu dalka soo galaynayna isagoo gudoomiyihii SNM ah ayuu Siilaanyo nagaga daba yimid Dhoobo Guduud aniga, Xasan Yoonis Habane, Axmed Mire oo ahayn taliska guud iyo rag kale oo go’aaminayay go’aankii dalka lagu soo galay, waxa uu nagu yidhi isagoo na baryaya dalka lama galayee, anaguna waanu ka diidnay ka dib waxa u nagu yidhi middo afar cisho ah I suga inta aan Itoobiya ka baxayo Mingistaa I qabsanayee, afartaa cisho anagaaba u baahnayn oo Zaadkayagii iyo rasaastii ayaanu ka diyaar-garoobaynay, qaaxana rag baa joogay, sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in ummadu ka tashato xaalada uu dalku ku jiro”

Xildhibaan Mataan oo ka hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale Kulmiye oo hadhi lahaa ayuu yidhi aynu ku guntano oo aynu soo saarno, waayo buu yidhi mucaarid la’aan dalkani ma jirayo, Siilaanyo-na markuu Kursiga ku fadhiistay ayuu bilaabay aynu baabiino Udub, gudoomiyaha ururka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac haduu yidhi wada tashi hala iskugu yimaadana wuu hagaagsan yahay, waxaana ayaan daro ah madaxweynihii oo la yidhi madaxweyne ku xigeenkii bay isa soo dileen inu yidhaahdo dibadaan u socdaalayaa oo kalidii uu tarabuun isa soo taago waa arrin fool xun, madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici ayaana looga baahan yahay inuu ummada u sheego siday wax u socdaan iyo xaqiiqada jirta, ta kale ma madaxtooyada uu madaxweyne ku xigeenkii ka shakiyay ma taasaa madaxtooyo noqonaysa”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com