Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha xisbiga Tallada Somaliland haya Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay dhaliil Mucaaradnimo oo xisbiga Waddani u jeediyay xukuumadda, kaasi oo ay ku sheegeen inaan shacabku garanayn ujeedada Madaxwaynuhu dalka dibadiisa ugu baxay.

Hargeysa (sml) Guddoomiyaha xisbiga Tallada Somaliland haya Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay dhaliil Mucaaradnimo oo xisbiga Waddani u jeediyay xukuumadda, kaasi oo ay ku sheegeen inaan shacabku garanayn ujeedada Madaxwaynuhu dalka dibadiisa ugu baxay.

Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay in Madaxwaynuhu u baxay hawlihii qaranka ee umaddu u dooratay oo uu caalamka xidhiidh la soo sameeyo, isaga oo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Xisbiga Waddani shirkii jaraa’id ee ugu horeeyey ee mucaaridnimo ee ay qabtaan waxay yidhaahdeen umadda mugdi baa kaga jira garana mayno wixii Madaxweynuhu u baxay, waxaanu leenahay xisbiga Waddani Madaxweynuhu wuxuu u baxay xilkii loo doortay ee ay umadda reer Somaliland u dooratay oo ah inuu qarankan hawlihiisa wax ka soo qabto oo uu caalamka kala soo xidhiidho, mid mugdi ku jirana may ahayn ee waxay u muuqataa Xisbiga Waddani inuu u badheedhay inuu u sheegay Maraykanka iyo Ingiriis Madaxweynaha anagu kuma kalsoonin hadaanu waddani nahay oo nama matalo eray ah ayuu dirayaa warkaa ay direen taasina milgihii qaranimo maaha”

Guddoomiye Muuse Biixi, waxa kale oo uu soo qaaday “Waddani waxaanu u sheegaynaa kulmiye iyo xukuumadiisa iyo dadka uu hogaamiyo toona lagu tuhmi maayo Xamar, Waddani waxaanu u sheegaynaa kulmiye iyo xukuumadiisa midna ma yaqaano Telephonka maxkamada sare ee Xamar iyo ka Ismaaciil Buubaa oo habeenkii lama sheekaysano markaa Xantaasi anaga nama qabato”ayuu yidhi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com