Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa (msl)- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa markii u horeysay ummadda u soo bandhigay cay laf-jab ah oo ay gabadh la yidhaahdo Nadra Maxamed Jaamac Telefoonkeeda gacanta uga soo dirtay isaga.

Hargeysa (msl)- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa markii u horeysay ummadda u soo bandhigay cay laf-jab ah oo ay gabadh la yidhaahdo Nadra Maxamed Jaamac Telefoonkeeda gacanta uga soo dirtay isaga.

Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay khudbad uu ka jeediyay xafladii Xisbiga KULMIYE u sameeyay Urur siyaasadeedkii DALSAN oo ku soo biiray maanta.

Wasiirka Madaxtooyadda oo dhacdadan ka hadlayay wuxuu yidhi “Waxaan jecelahay inaan kalmad ka idhaahdo arrin laga yaabo in reer KULMIYE in badan I soo weydiisay oo ahayd, inan (Gabadh) xabsiga ku xidhan oo la tilmaamo inay xaq darro ku xidhan tahay, waanan tilmaamayaa. Waa sax cidii I soo weydiisay iyo cida laga yaabo inay is weydiiso maxaa loo xidhay?. Qofka xidhan in xuquuqul insaanka iyo bulshaba loo wada doodo oo la yidhaahdo qofkaasi ma dambi baa lagu xidhay mise sax baa lagu xidhay.”

“Inantaasi waxay soo dirtay oo naga soo gaadhay fariin fawaaxish ah oo aad u fool xun oo aan ahayn mid aan halkan idiinka sheegi karo, ama dhegihiinu maqli karaan. Laakiin qofkii u baahan qoraal ayay ku taallaa farriintii Haay’’adaha garsoorka iyo xuquuqul insaanka. Cidii u baahan arrintaasi xogteeda waanu u dhiibaynaa. Laakiin waa arrin aad u fool xun oo aanan afka kaga dhiiran gelin inaan halkan idiinka sheego. Waana wax aniga wax iga sheegaya, oo madaxweynaha wax ka sheegaya oo marwadda wax ka sheegaya oo masuuliyiinta kale ee qaranka wax ka sheegaya,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.

Wasiirku waxa uu sheegay in cayda inantaasi ay Mobile-ka uga soo dirtay ay ahayd mid aad u fool xun, waxaanu yidhi “Caydani waa mid laf-jab ah oo cirdiga iyo qoyska madaxweynaha iyo kayga wax ka sheegaya, markaa ma doonayo inaan intaasi dhaafiyo. Waxaan leeyahay markaa waxa laga hadlay saxaafadda waxa lagu soo qoray warar badan oo odhanaya waa la dulmay, iyadoo aan la sugin garsoorkii. Waan maqnaa markii la qabtay inanta. Waxaanse imid iyadoo dadka la geliyay in inantaas dulmi lagu xidhay. Ma jiro dul inantaas lagu xidhay. Aniguna masuul ahaan waan iska ilaaliyay in saxaafadda ka hadlo si aan loo odhan Wasiirku wuxuu majaro habaabiyay xukunkii dhacayay oo aan filayo in lagu dhawaaqo waxa uu doono ha noqdee.”

“Jeelasha waxaynu u samaysanay qofka edaabta daran in lagu edbiyo, sharcigana waxaynu u samaysanay in qofkii khaladan lagu qabto,”ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday Wasiir Xirsi.
xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com