Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

London (maantSomaliland.com)- Weftigii uu Hogaaminayay Madaxweynah Jsl,Md.Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo,oo ku Sugan Wadanka Ingiriisska ayaa goor dhawayd waxaa ku qaabilay Xafiiskiisa Xoghaya Arrimaha Dibada ee Ingriiska William Hague.

 

London (maantSomaliland.com)- Weftigii uu Hogaaminayay Madaxweynah Jsl,Md.Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo,oo ku Sugan Wadanka Ingiriisska ayaa goor dhawayd waxaa ku qaabilay Xafiiskiisa Xoghaya Arrimaha Dibada ee Ingriiska William Hague.

Madaxweynaha Somaliland oo ay Wahelinayeen Wasiirrada Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cumar iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Shire,waxa ay Mr. William Hague ka wada Hadleen,Xaalada Nabadgalyada ee Somaliland,iyagoo Sii gaara Farta Fiiqay Heerka Nabada iyo Xasiloonida ay Jamhuuriyada Somaliland Ku soo Naaloonaysay Muddo Ka badan Kow iyo Labaatan sanadood iyo Sidoo kale heerka Maamul iyo Kala dambeyn ee Dalka ka hana qaaday,iyo Sidii Kor Looga sii qaadi lahaa Arrimahaasi.

Madaxweynuhu waxa uu uga mahad naqay Xoghayaha Arrimaha Dibada Mr.Heeg Taageerada wax ku oolka ah ee Ingriisku u fidiyo Somaliland,Isagoo intaasi ku daray in Kaalmada dawlada Britain ay siiso Somaliland ay wax weyn ka tarto Arrimaha Bulshada,amaanka iyo geedi socodka dimiqraadiyada Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Iyo Xoghayaha Arrimaha dibada ee Ingriiska waxay hoosta ka xariiqeen,doorka muhiimka ah ee Somaliland ka ciyaarto dagaalka lagula Jiro Aragixisada,iyaga oo xusay in Hadalkii Dhawaan ka soo baxay dawladda Ingriiska ee kula Taliyay dadka reer galbeedka ee Ku sugan Somaliland inay Khatar ku jiraan,ay Arrintaasi Dib u eegis ku sameyn doonaan, Hay’adahooda Amaanka ee Labada Dal,isla markaana ay Hawl-gal wada Jir ah ka samayn doonaan khatarahaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com