Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Madbacadda qaranka Somaliland ayaa maanta soo iibsatay makiinad cusub oo loogu tallo-galay inay waraaqaha googoyso (Cutting Papers), taasi oo ay ka soo iibsatay dalka China. Maareeyaha Guud ee Madbacadda Qaranka Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Caray), ayaa ka hadlay makiinaddan cusub ee madbacada lagu soo kordhiyay, waxaanu yidhi “Waxay madbacadda qaranku soo iibsatay sanadkan sadex makiinadood oo kala duwan runtiina wax weyn nooga tari doona dhinaca daabacaadda Juwanada cashuuraha laamaha kala duwan taasina Waxay kor u qaadnay shaqadii makiinadaha.

Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Madbacadda qaranka Somaliland ayaa maanta soo iibsatay makiinad cusub oo loogu tallo-galay inay waraaqaha googoyso (Cutting Papers), taasi oo ay ka soo iibsatay dalka China.

Maareeyaha Guud ee Madbacadda Qaranka Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Caray), ayaa ka hadlay makiinaddan cusub ee madbacada lagu soo kordhiyay, waxaanu yidhi “Waxay madbacadda qaranku soo iibsatay sanadkan sadex makiinadood oo kala duwan runtiina wax weyn nooga tari doona dhinaca daabacaadda Juwanada cashuuraha laamaha kala duwan taasina Waxay kor u qaadnay shaqadii makiinadaha.”


“Sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2012-kii waxa noo qabsoomay qalabkii Madbacadda yaalay kuwo duug ah iyo kuwo cusuba aanu ka wada shaqaysiinay,waxa jiray qalab isagoo aan shaqaynayn meesha lagaga tagay, walina yaala, laakiin wixii makiinaddo ah ee iyagoo shaqaynaya aan ugu imi dhamaantood way shaqaynayaan tamar kastaba ha lahaadeen’e,”ayuu yidhi Maareeyaha Madbacadda qaranka Mudane Cabdilaahi Maxamed Jaamac.

Maareeyahu waxa uu ku dooday in ay dabooleen dhammaan baahiyihii daabacaadeed ee xukuumaddu u baahnayd, isagoo arrintaais ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxa kale oo aanu samaynay nidaam cusub oo ay madbacaddu ku shaqayso oo aanu u dejinay habka loo daabacayo dukumantiga dawladda ee lanaga soo dalbado, waxay madbacad qaran ahaan aanu daboolay daabacaadii dukumantiga dawladdu u baahan tahay oo dhan.”

Maareeyuhu waxa uu intaasi ku daray in madbacadda qaranku ay xiligan awood u leedahay inay daabacdo nooc kasta oo dukumanti oo laga soo dalbado, waxaanu u mahad celiyay madaxda iyo shaqaaleweynaha madbacadda qaranka oo uu ku tilmaamay qaar waajibaadkooda shaqo ka soo dhalaalay.

Cabdilaahi Jaamac Caray waxa uu ugu baaqay Ganacsatadda iyo dadweynahaba inay wixii adeeg daabacaadeed ah ee ay u baahdaan ka daabacdaan madbacadda qaranka Somaliland.

Dhawr Bilood ka hor ayay madbcadda qaranku ay soo iibsatay agabkii ay ku shaqayn lahayd muddo lix bilood ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com