Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

HARGEYSA (maantaSomaliland.com)- Ku simaha Madaxweynaha Somaliland ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Md. C/Raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Xafiiskiisa Ku qaabilay Wefti ka socda Ururka Ganacsatada Dalka Turkiga ee (Tuskow) oo socdaal ku yimid dalka.

Kulankan oo ay Madaxweyne ku xigeenka Ku waheliyeen Wasiirka Ganacsiga Md. C/risaaq Khaliif Axmed, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamed Shugri, Kulankan ayaa waxa lagaga wada Hadlayay Iskaashiga Labada dawladood ee dhinacyada Dhaqaalaha,Waxbarashada,Beeraha,Xoolaha Macdanta iyo Biyaha.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa weftiga ugu Mahadceliyay Booqashada ay ku yimaadeen dalka isagoo Xog waran ka siiyay Marxaladihii Kala duwanaa ee uu soo maray Dalku.

Md. C/Raxmaan Saylici waxa uu sheegay in Somaliland ay danaynayso inay cilaaqaad iskaashi oo qoto dheer isla markaana la xidhiidha dhinacyo badan ay la yeeshaan wadanka Turkiga.

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com