Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Askari Ka Tirsan Ilaalada Aqalka Baarlamaanka Somaliland Oo Rasaas Kaga Qaraxday Mid Ka Mida Shaqaalaha Golaha Guurtida.

(msl-Hargeysa) Askari ka mid ah ilaalada aqalka baarlamaanka Somaliland ee Hargeysa, ayaa rasaas kaga qaraxday goor dhawayd mid ka mid ah shaqaalaha Golaha Guurtida.

Askarigani oo ka mid ah ciidamada booliska ee u xil-saaran amaanka Golaha Wakiilada, ayaa la sheegay in rasaastani ka qaraxday isaga oo ka soo degaya dabaqada sare ee hoolka golaha Guurtida Somaliland, waxaana rasaastaasi ka qaraxday ku dhaawacmay Cabdirisaaq Sheekh Jaamac Saban oo ah Wiil dhalinyaro ah.
Cabdirisaaq oo rasaastu ka haleeshay lugta bidix, ayaa waxa markiiba loola cararay Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa si loola tacaalo daaweynta dhaawaca ka soo gaadhay rasaasta ka qaraxday askariga ilaalada xarunta golaha baarlamaanka Somaliland ee Hargeysa, iyadda oo sidoo kalena askarigii ay xabadu ka qaraxday ay xidheen ciidamada boolisku.
Falkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka dhaca xarunta Golaha Baarlamaanka Somaliland .

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com