Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Go’doonka Ay Saylac Ku Jirto Xukuumad U Gurmatay Oo Dan Ka Leh Ma Aragno”

Siyaasi Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), ayaa sheegay in Xukuumaddu gurmadkii looga baahna inay ka samayso khasaarihii ka dhashay roobabkii ka da’ay Gobolka Salel, aanay ka qaban,waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay mar walba ka warhayso dalka iyo dadkaba.

Siyaasi Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere),oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay qabyaalada, waxaanu ugu horeyn yidhi “Roobabka ka da’ay Gobolka Salel, gaar ahaan Saylac iyo deeganada ku dhaw, khasaara ayey keeneen, roobabka ILLAAHAY ayaa qadaray inay da’aan, khasaare kasta oo ka dhashana ILLAAHAY ayaa qadaray, oo cid wax ka qaban kartaa ma jirto, laakiin go’doonka ay Saylac ku jirto Xukuumad u gurmatay oo dan ka leh ma aragno, waxaa se leeyahay Xukuumaddu ha ka war hayso oo mar walba ha ogaato dalka iyo dadkaba, waxaanada mooda in Xukuumaddu  xaalada dalka ka war haynin ee  xogogaal ha u noqoto, oo xaalada kasta oo soo korodha oo dalka iyo dadkaba ku soo korodha sida ugu dhakshaha badan wax uga qabato”.

Mar uu ka hadlaayey qabyaalada ayaa wuxuu yidhi “Waxaad mooda oo muuqata in qabyaaladii xadhkaha gooysatay,qabyaaladuna waa aafo, haddii dariiqa saxda ah laga leexiyo, ee qabyaaladan aafada inagu noqotay ee cid walba ka hadlayso aynu ka dheerano, oo yeynaan dib ugu noqon”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com