Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Xukun Ku Riday Gabadhii Fariinta Aflagaadada Ahayd U Dirtay Wasiirka Madaxtooyadda
(msl.- Hargeysa) Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta xukun 8 bilood ah ku riday Nadra Maxamed Jaamac oo ahayd Gabadhii fariimaha Aflagaadda ah u dirtay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Fadhigan Maxkamadda ay go’aanka kaga gaadhay Gabadhaasi fariimaha Aflagaadda ah u dirtay Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, isla-markaana qiratay inay Wasiirka u dirtay fariimahaasi. aflagadda ah.
Intaas ka dib waxay Maxkamaddu ku xukuntay Haweenaydaasi xukun 8 bilood ka oo ka bilaabmaysa Maanta.