Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“HADII LAGA WAAYO WIXII LOO DOORTAY, MACNO BADAN SAMAYN MAYSO IN MADAXWAYNE LOOGU YEEDHO”ABWAAN XASAN DHUXUL

Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul “laabsaalax” oo kamid hal abuurka dhalinyarada ah ee reer Somaliland Ayaa  hadlay caqabadaha siyaasadeed ee dalka ka jira iyo  masuuliyada loo doorto hogaamiyaha iyo waxyaabaha ay  bulshadu ka sugayso in uu  uqabto,

Sidoo kale Abwaan Xasan Dhuxul Ayaa sheegay In aanay Wax  micno ah samaynayn hadii wixii loo doortay uu fulin waayo in la yidhaahdo Madaxwayne,

Abwaan Xasan Dhuxul oo Qoraal kooban oo Arimahaasi Uu kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga ayaa udhignaa Sidan;

“Masuul kasta oo ummad hogaamiya waxa loo doortaa in uu ka shaqeeyo isku haynta dadkiisa, iyo horumarinta dalkiisa islamarkaana wixii caqabado ah ee bulshadiisa haysta uu ka hor qaado kana xaliyo, sharciga iyo qawaaniinta dadkiisa u yaalana uu noqdo qofka kowaad ee ilaaliya.

Markaa hadii laga waayo wixii loo doortay macno badan samayn mayso in madaxwayne loogu yeedho iyo in salaan sharafeed ciidamadu u taagaan”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com