Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

XOG DHEERAADA IYO DHACDOOYIN LA YAAB LEH OO LAGA HELAY IN ASKARI ITOOBIYAAN AHI UU SOO RIDO DIYAARADDII AFRICAN AIRWAYS.

Xogo Dheeraada oo laga helayo qaabkii loo soo riday diyaaradii shirkadda African Express ee toddobaadkii hore ku dhacday magaalada Bardaale ee gobolka Bay.

Weydow Cali Xasan waa guddoomiyihii hore ee degmada Bardaale, haatana ah guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee degmadaas, waxa uu xog cusub ka bixiyay qaabii ay ciidamada Itoobiya u soo rideen diyaaradda.

Sidoo kale Weydow Cali Xasan ayaa VOA u sheegay in diyaaradu ay garoonka uga timid dhanka waqooyi, balse halkii ay caga dhigan laheyd uu taagnaa gaadhi ciidan oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya, kaas oo uu saarnaa qori suug ah.

Intaas kadib duuliyihii diyaaradda ayaa isku deyay in uu jiiro kale soo geliyo diyaaradda inta uu gaadhigaasi ka wareegayo goobta, balse nasiib darro waxa uu sheegay Weydow in durbadiiba ay ciidamadu seddax xabadood ku dhufteen diyaaradda, kuwaas oo laga riday qorigii gaadhiga saarnaa ee Suuga ahaa,

Saraakiil kale oo u waramay VOA ayaa waxay sheegeen in diyaaradda markii lasoo riday ay ku jirtay wareegii labaad, iyadoo markii hore garoonka halkii ay caga dhigan laheyd ku aragtay Dameer gudbayey, sidaasna ay uga shakiyeen ciidamada Itoobiya.

Hase yeeshee guddoomiyihii hore ee Bardaale Weydow Cali waxa uu sheegay in garoonku uusanba laheyn meel dameer kasoo galo iyo meel uu uga gudbo toona, balse sida muuqatay ay ciidamadu ku naxeen diyaaradda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka deegaanka badankood, gaar ahaan mas’uuliyiinta uu isagu ku jiro ay ka war hayeen in diyaadu ay kusoo wajahan tahay magaalada, sidoo kale waxa uu xusay in garoonka horay ay diyaarado uga soo degi jireen.

Dhanka kale Ilo kale ayaa waxay sheegeen in askariga ku riday xabadaha ku dhacay diyaaradda uusan ka tirsaneyn AMISOM, balse uu ka mid ahaa ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmo ka hor dhanka xuduuda kasoo galay Soomaaliya, kuwaas oo ku cusbaa magaalada.

Maalmaha inagu soo foole ayaa waxaa lagu wadaa in uu bilawdo baadhitaan seddax geesood ah oo ay sameynayaan quburo ka kala socota dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya. Diyaaradda African Airways  ayaa ka diiwaan gashaneyd dalka Kenya.

Mas’uuliyiin ka kala socday dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya oo maalin kadib markii diyaaradda lasoo riday gaadhay Bardaale, kuwaas oo uu hogaaminayey Wasiirka duulista hawada Soomaaliya Oomaar, waxa ay xaqiijiyeen in Sanduuqii madoobaa iyo Rikoorka duuba codadka ay yaalaan halkii ay ku dhacday diyaaraddu, halkaas oo haatan lagu ilaalinayo ilaa laga baadhayo.

Diyaaradan lagu soo riday garoonka degmada bardaale ee somaliya ayaa waxaa ku geeriyooday shan qof oo ay kamid ahaayeen duuliyayaashii diyaarada African Airways.

Sanduuqii madoobaa iyo Rikoorka dooba codadka ayaa laga heli karaa xogtii ugu dambeysay inta aysan dhicin diyaaradu, sida jawigu ahaa iyo waxa ay sababsatay

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com