Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Jamhuuriyadda Somaliland waxay soo qabatay doorashooyin xaq iyo xalaal ah – in kastoo aan la aqoonsanayn, haddana waa dimuquraadiyadda ugu adag ee Geeska Afrika.madaxwaynaha maraykanka Madaxweyne Donald Trump

Dowladahaas soo maray dalka ee isbedellada sameynaya waxaa ka mid ah midda uu hadda hoggaaminaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo xubin ka ahaan jiray xafiiska xisbiga Jamhuuriga ee Buffalo, wuxuuna iska celiyay shaircigii dhalasho ee Mareykanka uu ka haystay. Wuxuuna xilka hayaan tan iyo horraantii 2017-kii.

Jamhuuriyadda Somaliland na waxayn soo qabatay doorashooyiin xaq iyo xalaal ah – in kastoo aan la aqoonsanayn, haddana waa dimuquraadiyadda ugu adag ee Geeska Afrika.

Waxaa suuragal ah in aragtida Trump iyo taageerayaashiisa ay Soomaaliya ka qabaan ay weli tahay mid ku saleysan wixii dhacay sannadkii 1993-dii – mid ka mid ah dhacdooyiinkii ugu muhiimsanaa ee faragelinta Afrika ee Mareykanka ayey ahayd, xilligaas oo askartii Mareykanka ay Muqdisho ka billaabeen howlgal dhibaato ku dhammaaday. Waxay doonayeen in ay soo qabtaan dagaal ooge awood lahaa.

Laba diyaaradood oo ah nooca Black Hawk ee Mareykanka ayaa la soo riday, waxaana dagaalkaas ku dhimatay 18 askeri oo Mareykan ah iyo qiyaas ahaan 500 oo qof oo Soomaali ah.

Muuqaallada laga duubay askartii maydkooda oo jidadka lagu jiidayay ayaa argagax ku abuuray shacabka Mareykanka, waxayna saameyn muhiim ah ku yeesheen siyaasadda dibadda Mareykanka gaar ahaa gobolka Bariga Afrika.

Balse, Maamulka madaxweyne Trump wuxuu sameeyaa dagaal qarsoodi ah oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya, waxayna ciidankiisa adeegsadaan diyaaradaha aanu duuliyaha saarnayn ee drone-ka iyo askar si gaar ah u tababaran, waana arrin ay dad yar oo Mareykan ah ogyihiin.

A child playing in a park in Mogadishu, Somalia in May 2020
Qoraalka sawirka,Waxaa jiro qeybo ka mid ah Soomaaliya oo maamullo shaqeynaya ay ka jiraan.

Qaar ka mid ah Soomaalida waxay aragtida Trump ee dalkooda u arkaan mid aan sal lahayn, waxayna ku doodayaan in shuruucdiisa ay dalka ka dhigeen meel aad halis u ah – waxayna sheegayaan in shacabka ay markasta dhibaato ka soo gaarto duqeynta ay drones-ka Mareykanka geysteen Soomaaliya intuu uu xilka hayay Trump.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com