Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xirsi Oo Sheegay In Buuggii Xukuumadda Kulmiye Aanay Waxba Ka Fulinin

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE waxa uu ku eedeeyey sida ay ugu fashilantay wax u qabashada iyo daryeelka dadka naafada ah ee baahiyaha gaarka ha qaba isaga oo sheegay in tirada dadka nafada ah ee Somaliland oo fara badani aanay gabi ahaanba wax daryeel iyo wax u qabasho ah ka helin xukuumadda Xisbiga KULMIYE.

Hogaamiye Xirsi ayaa soo faqay Buuggii cagaarnaa ee xukuumadda Xisbiga KULMIYE ololaha doorashada Madaxtooyada ku gashay oo hal qodob oo kali ah kaga xusnaa wax u qabshada dadka baahiyaha gaarka ah leh balse qodobkaasina aanu gabi ahaanba fulin.

Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlayay xaflad loo qabtay ururka ay ku bahoobeen dadka dhagaha naafada ahi ayaa waxa uu yidhi: “Xukuumadda iyo xisbigeeda oo Madaxweynuhu gadh-wadeen ka yahay waxaan u tilmaamayaa oo xasuusinayaa Barnaamijkoodii KULMIYE hal eray baa kaga xusnaa Naafada. Mid Indhaha ka naafo ah, mid dhegaha ka naafo ah, mid lugaha ka naafo ah ama mid jidhka kale ka naafo ah wax alla wax kale oo lagu xusay oo KULMIYE u qabanayaa may sheegin kumana xusna waxa ku jira oo kali ah xabbad kali ah, xabaddiina lama fulin. Waxaan leeyahay waar u dhago nuglaada oo u soo jeedsada.

Iskama lihi anigu ee xaggee ku qoran tahay. Ka eeg buuga barnaamijka KULMIYE bogga 16aad. Waxaanay u dhigan tahay sidan: “Waxa uu dugsiyada dalka u qaban doonaa in ay noqdaan goobo ku habboon ardayda naafada ahi in ay wax ku dhigan karaan” walina haddaba barnaamijkaasi ma fulin oo dawladda kama soo fulin. Waxaan leeyahay haddii aad qodobkaasi oo kali ah qorteen bal kii uun fuliya oo ogaada, illayn xilka oo dhammi idinka ayuu idin saaran yahaye. Waxa ay tahay ujeedadaydu in aynu kala doorano in aynu hawl galino oo ka fa’iidaysano dad tiro ahaan gaadhaya boqolkiiba labaatan sida ku qoran warbixintii aan soo sheegay kana noqonaya Bulshada tirada intaasi le’eg oo u dhiganta haddii tiro ahaan loo rogo illaa 800 oo kun oo qof marka loo eego tirada afarta Milyan ah ee aynu sheegano. Dadka tirada noocaas ah ayaynu kala dooranaynaa in aynu dadkaasi ka faa’iidaysano oo u faa’iidayno oo ay kaalinta ay Bulshada ku lahaayeen buuxiyaan oo ay waliba innoo dheer tahay waajibaadkii diiniga ahaa ee inna dul saarnaa ee masuuliyiinta ka saarnaa in ay fuliyaan dadka dhibaataysan” ayuu yidhi Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan.

FOORE

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com