Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Saxaafaddeenu xoriyad madax banaan ayay haysataaye’. waa inay wixii dalkooda dhisaya ee qiimo u yeelaya ay baahiyaan,” Madaxweweyne Axmed Siilaanyo

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  ka qeyb galay Munaasibad Bilado lagu gudoon siinayay muwaadiniintii Somaliland wax taray mudadii ay jirtay kuwaasi oo tiradoodu dhamayd 100 qof isla markaana iskugu jiray siyaasiyiin, aqoon yahano, abwaano, iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda oo maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

Barnaamijka la magac baxay “Qiimee Qofkaaga” oo cilmi baadhistiisu muddo bilo ah ka socotay goboladda dalka oo dhan ayaa maanta la gudoon siiyay bilad sharafyadii dadkii lagu soo xulay qiimayntii la sameeyay.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka mid ahaa xubnihii Barnaamijkan “Qiimee Qofkaaga” bilad sharafyada lagu gudoon siiyay ayaa la sheegay inuu ku mutaystay siyaasad wanaaga iyo hoggaamin hufan oo uu muujiyay mudadii uu xafiiska madaxtinimadda Somaliland joogay.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay xafladaasi ayaa u mahad celiyay Rashiid Sulub Caalin oo lahaa curinta, agaasinka iyo isku dubo-ridka barnaamijkan, waxaanu yidhi “Waxaan jecelahay inaan halkan mahad naq aad iyo aad u balaadhan uga soo jeediyo Rashiid Sulub Caalin ooh awl aad iyo aad qiimo iyo qaayo leh ee taariikhiga ah ee lagu qiimaynayo dadka Somaliland wax u taray iyo dadkeeda qiimaha leh iyo hal-doorka ee maanta barnaamijkan isku soo dubo riday ee ka fikiray ee soo sameeyay, waxaan jecelahay inaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga soo jeediyo.”

Madaxweyne Axmed Siilanayo oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa kale oo aan iyagana halkan hambalyo uga soo jeedinayaa dadka qiimaha leh ee wax ka gaystay Somaliland magaceeda iyo taariikheedda ee xafladan lagu soo magacaabay ee sharafta ku mutaystay. Waxay ila tahay qara walba shacbigiisa iyo dadkiisa haddii aanu qiimayn ummad noqon maayo, ummad waxay ku noqdaan oo taariikhda ku galaan oo dal lagu noqdaa qiimaynta ummadiisa, dadkiisa iyo shacbigiisa.”

“Waxa kale oo mar walba la baahan yahay inaynu maskaxda ku hayno haddii qaranimadeenna, wada jirkeena iyo midnimadeena, ilaalinta nabad-gelyadeena iyo wada jirkeena ilaalino oo dalkeenu noqdo mid aynu ku faano qaranimadeena iyo xoriyad doonkiisa oo aynaan xumaantiisa uun aynaan raadin oo aanay saxaafaddeenu had iyo jeer xoriyad madax banaan ayay haysataaye’. Markaa waa inay wixii dalkooda dhisaya ee qiimo u yeelaya ay ku shaqeeyaan oo baahiyaan,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Waxa kale oo halkaasi lagu gudoon siiyay illaa boqol xubnood oo la sheegay inay abaal-marinta Barnaamijkan ku guulaysteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com