Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliye Mahad Cambaashe Oo Ka Hadlay Warar Been Abuura Oo Sheegaya In Uu Ka Goostay Somaliland.

Taliyaha Saldhiga 7aad ee Ciidamada Qaranka Sareeye Guuto Mahad Cambaashe ayaa Sheegay in Ciidamada isaga ka Amar qaata ee Saldhigiisa Katirsani in aan Askari Kamid ahi Raacin ‘Raga Ku Dagaalamaya Gudaha Laascaanood.

Taliye Cambaashe Waxa uu Sheegay inaan loo baahneyn Warbaahin uu ka hadlo Xiligan oo uu Dagaal kujiro haseyeeshee, uu isagu hore ula Hadley Dadkiisa iyo Raga Wadaadada ah ee ladnaanta Ku haysta Laascaanood.

Xanshashaqa Arimaha Sababta u ah Dagaalka Laascaanood ayaa La Sheegay, in Lagu Garbo duubay Taliye Mahad Cambaashe Kadib Markii ay Magaalada Laascaanood Gudaha usoo galeen  Rag aanney ka fursaneyn in Lagula dhex dagaalamo Shacabka dhexdiisa oo iyaggu u arkayay inay taasi Fursad u tahay.

Saacadihii ugu dambeeyay waxay warbaahinta qaar baahinayeen in uu ka goostay ciidamada  Somaliland oo uu ku biiray ciidamada beeshiisa ee Dhulbahante.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com