Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gud. C/risaaq Khaliif Oo Kulan La Yeeshay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

 Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo ku sugan Magaalada Laascaanood ayaa maanta kulan la yeeshay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Xogaha ayaa tilmaamaya in ay ka wada hadleen xiisadda kacsan iyo dagaalka ka socda magaalada, balse Lama oga natiijada kulankoodu kusoo dhamaaday iyo waxa ay isku afgarteen.

Xaaladda guud ee magaalada laascaanood ayaa ah mid dagaal hadheeyay oo hakad galisay noloshii dadwaynaha waxaana wali la maqlayaa rasaas ka dhacaysa magaalada iyo nawaaxigeeda.

Magaalada Laascaanood ayuu maalintii labaad ka socdaa dagaal sababay dhimasho, dhaawac iyo sidoo kale khasaare maaliyadeed, ilaa hadana ma muuqato xal lagu joojiyo oo dagaalkan loohelay

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com