Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Muuse Biixi ayaa guddi Wasiiro ah u diray xisbiyada mucaaridka si ugala soo hadlaan qaabka loo anba qaadi karo wadda haddaladii doorashooyinka.

warar rasmi ah oo hada i soo gaadhay ayaa sheegaya in afar Wasiir oo xukuumada ka tirsani ay la kulmeen hogaanka xisbiyada mucaaridka ah kuwaas oo u sheegay in Muuse Biixi soo diray si ay ugala hadlaan habka loo sii wado karo kulamadii lagaga tashanayey doorashooyinka ee u dhaxeeyey mucaaridka iyo muxaafidka.

Warku waxa uu xaqiijiyey in hogaanka xisbiyada mucaaridka ahi ay shuruud ku xidheen inay xukuumada la sii wadaan kulamadii lagaga tashanayey doorashooyinka.

Hogaanka xisbiyada Ucid iyo Waddani ayaa u sheegay wasiiradii ay la kulmeen in marka hore loo baahan yahay in Muuse Biixi uu cadeeyo in doorashada madaxtooyada uu ku qabanayo wakhtigii sagaalka bilood ahaa ee komishanku hore u shaaciyey, ilaa shuruudaas la fuliyana aanay wax wada hadal ah la yeelanayn xukuumada.

Guddidii wasiirada ahaa Muuse Biixi soo dirsaday ayaa dib ugu laabtay iyaga oo sida mawqifka ay xisbiyada mucaaridka ahi ka taagan yihiin in la sii ambaqaado wadda haddaladii ku saabsanaa doorashooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com