Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Jid Isku Xidhi Doona Cali Xaydh Iyo Lughaya Oo Dhismihiisa La Bilaabay

Jid Isku Xidhi Doona Cali Xaydh Iyo Lughaya Oo Dhismihiisa La Bilaabay

Boorame (maantaSomaliland.)- Jidkan oo ah mid halbowle ah isla markaana isku xidhi doona degaano tiro badan oo u dhexeeya Cali Xaydh iyo Lughaya ayaa waxa dhismihiisa u guntaday dadka degaanka oo uu horkacayo Sul. Abshir Maxamed Ducaale.

Dadka deegaanka oo is abaabulay ayaa gacanta ula tagay inay baneeyaan wadadan oo dhagax tiro badan ay ku gudban yihiin isla markaana dhul qorfe ah dhex jibaaxaysa, waxana dadkaasi ka muuqda dadaal xoogan oo ay rabaan inay ku helaan jid isku xidha degaankan oo ka dhow midka imika la maro ee aadka u dhererka badan.

Suldaan Abshir Muxumed Ducaale oo ka waramayay hawsha ay hayaan ayaa waxa uu yidhi “Jidkan waa mid muhiim ah, waxa uu ka dhaw yahay kii hore loo mari jiray waxa aan soo dhamaynay 10km, waxa dhiman 7km oo aad u adag, waxa intaasi ka dambeeya waxa aan ku baxaynaa buurtii TURKI oo jid ka samaysan yahay, waxa aan ku dhiiranahay inaan ka dhex baxno oo aan isku xidhno, waxa aan u dalbanaynaa qaylo dhaan ka balaadhan tan ilaa imika na soo gaadhay ee na Hamada galisay ee ka timid dadka reer Awdal/Salal ee dalka Canada, waxa aan leeyahay xukuumada iyo dadka kale ee qurbahaba waan idin sugaynaa ee na soo gaarsiiya waxii aad nagu taakulayn karaysaan.

Qaar ka mid ah dadka degaanka oo iyaguna ka hadlay halkaasi ayaa soo dhaweeyay hindisaha dadka deganaanku la yimaadeen ee wadadan lagu dhisayo, waxana kale oo la sheegi karaa in degaankan uu ka mid yahay degaanada ugu wadooyinka xun ee G/Awdal isla markaana ay wada xumadaasi daboolka saartay ka faaiidaysiga khayraadka dhinaca macdanta ah ee ay buuraha degaankaasi caanka ku yihiin oo ay gumaystayaashiiba hore u sahamiyeen.

Cabdalle Cali Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com