Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ururka Suxufiyiinta Somaliland solja Oo Cambaareeyey Xadhig Sharci Darro Ah Oo Wariye Lagula Kacay

Hargeysa (msl), March, 03, 2013- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareeyey xadhig aan sifaha sharciga ah loo marin oo lagula kacay wariye Maxamed Aadan Dirir oo lagu xidhay magaalada Caynabo.

War-saxaafadeed uu ururku ka soo saaray xadhiga wariyehan ayaa lagu sharxay sifaha sharci darrada ah ee lagu xidhay wariye Maxamed Aadan Dirir.

War-saxaafadeedka oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan:

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA wuxuu canbaaraynayaa xadhiga weriye Maxamed Aadan Dirir oo doraad 12-kii duhurnimo si sharci daro ah loogu xidhay magaalada Caynabo isagoo aan loo marin sifihii sharcigu u jidaynayay qabashadiisa oo aan wax waaran ah maxkamdi usoo goynin

iyadoo sida uu noo cadeeyay mar aanu xalay la xidhiidhnay gudoomiyaha maxkamda caynabo lagu eedeeyay inuu jeelka caynabo xoog ku galay intuu askartii jiidhay oo uu sawiro kasoo qaaday nin ku eedaysnaa kufsi isla markaana uu warkaasi ku baahiyay shabakada wararka ee caynaba news’

arintaas oo ururka SOLJA u arko inaanay macquul ahayn in weriye aan qori sidani xoog ku gali karo jeel askari ilaalinayso sidaa daraadeed ururka SOLJA wuxuu ka codsanayaa maamulka caynabo iyo xukuumada sare ee Somaliland inay xoriyadiisa sida ugu dhakhsaha badan ugu soo celiyaan hadii ama degdeg loo horkeeno maxkamad

ALLAA MAHAD LEH

M.Rashiid Muxumed Farax

Xoghayaha Guud Ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee

SOLJA
maantasomaliland office/haragaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com