Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Iska hor imaadyo beeleed iyo Xiisad colaadeed oo ka oogan deegaano ka tirsan Awdal iyo Salal

Xariirad (MSL) Mar.05, 2013 – Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya dagaal maanta galinkii dambe ku dhex maray deegaanka Xariirad, gaar ahaan meesha loo yaqaano Dudub Maleeshiyaad ka soo kaa jeeda Beelaha Ciise iyo Samaroon, ayaa lagu soo waramayaa inuu istaagay isla-markaana xaaladu wakhtigan deggan tahay.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu qarxay ka dib markii Maleeshiyaad Beesha Ciise ahi afduubeen badhasaabka Gobolka Salal iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Xariirad, kuwaasi oo ilaa hadda la sheegay inay gacantooda ku jiraan.

Wararka halkaasi laga helayo ayaa la sheegay in dagaalku istaagay ka dib markii ay labada dhinac ka war-heleen in ciidamo boolis iyo Milatari ah ay xukuumaddu u dirtay deegaanka dagaalku ka dhacay, inkasta oo aan la hubin in ciidamadu halkaasi weli gaadheen.

dagaalkan oo muddo socday ayaan laga warqabin khasaaraha uu keenay, inkasta oo aanu idiin soo gudbin doono

sidoo kale, caawa fiidkii ayaa dagaal ka bilaabmay jiidaasi iyadoo la isku adeegsaday hubka waaweyn oo dayaankiisa laga maqlayay deegaamadda ku dhow jiidaha colaadu ka aloosan tahay.taas oo ilaa haatan uu socdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com