Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Marwo Edna Aadan Oo Marti Qaad Ka Heshay Marwadda Koowaad Ee Dalka Gabon. Daawo SawiradaXUS

adna adan(MSL-lebrevile)Marwada koowaad ee dalka Gabon Marwo Sylvia Bongo Ondimba, ayaa martiqaad rasmi ah u fidisay Marwo Edna Aden Ismaaciil, oo ah aqoonyahanad reer Somaliland islamarkaana Hargeysa ka aasaastay cisbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Edna Maternity Hospital.
Martiqaadka ay marwada koowaad ee dalka Gabon u fidisay Marwo Edna Aden, ayaa ka dambaysay ka dib markii ay marwo Sylvia Bongo ka codsatay Edna Aden Ismaaciil inay si gaar ah ugala taliso guud ahaan arrimaha caafimaadka ee dalkaas, gaar ahaan arrimaha caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka, waxaana marwo Edna Aden oo ay
wehelisay gabadh xoghayn u ah oo reer Somaliland ahi, madaarka caasimadda Libreville loogu soo dhaweeyay si heer qaran ah, iyadoo lagu galbiyay baabuurta ay madaxtooyada Gabon leedahay, waxaana Edna iyo xoghaynteedii la socotay la dejiyay mid ka mid ah toban guri oo ay dawladda Gabon u dhistay madaxweynayaasha Afrika ee ka qayb galay shirkii Midowga Afrika ee dalkaas lagu qabtay.
Marwo Edna Aden, waxa ay kulan gaar ah la yeelatay marwada koowaad ee dalkaas Gabon, taas oo ay ka wada sheekaysteen sida lagu horumarin karo caafimaadka dalkaas, waxaanay Edna Aden marwada dalka Gabon u gudbisay qorshe ay diyaarisay oo la xidhiidha sida lagu horumarin karo caafimaadka dalkaas. Waxa kale oo ay Edna Aden oo ay weheliyaan wasiirka iyo wasiir ku xigeenka caafimaadka ee dalkaasi, booqatay cisbitaalka Okala Hospital, halkaas oo wiil yar oo wakhtigaas ay booqanaysay dhashay lagu maamuusay inay magac u bixiso, waxaanay u bixisay Aden.
Mudadii ay Edna Aden Ismaaciil dalkaas joogtay, waxa kale oo ay la kulantay chief of cabinet-ka madaxtooyada dalkaas, oo u siday farriin uu ugu soo dhiibay Madaxweyne Ali Bongo Ondimba, taas oo nuxurkeedu ahaa inuu uga mahadcelinayo sida ay u caawisay marwada koowaad ee dalka Gabon. Waxa kale oo ay kulan la yeelatay madaxa hay?adda Bisha cas ee dalkaas oo sidoo kalena ah Dhakhtarka gaar ah ee Madaxweynaha Gabon.

Geesta kale, marwo Edna Aden, waxa ay dalkaas ku tagtay Basaborka Somaliland, waxaanay Marwo Edna Aden u mahadcelinaysaa Madaxweynaha dalka Gabon iyo marwadiisa iyo guud ahaan xukuumadda dalkaas oo ay sheegtay inay uga mahadcelinayso sida ay u qaabileen.
BY xuseen xarbi
maantasomaliland.com
Hargeysa somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com