Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Somaliland Kama Qeyb galayso shir ay Ingiriiska Iyo Soomaaliya kali ku yihiin”

Gudoomiye-ku-xigeenkaHargeysa (msl)- Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiilladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay inaanay marnaba ka qaybgalayn shir ay guddoominayaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo dawladda Ingiriisku, isla markaana maamulka shirkaas aanay ku jirin dawladda Somaliland.

Guddoomiye ku-xigeenku waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka xisbiga Kulmiye oo uu ku tilmaamay inaanu saamayn badan lahayn, isla markaana dhawaan la qaban doono shirkiisii, kaasoo uu sheegay in lagu kala bixi doono.

Guddoomkiye ku-xigeenku isagoo arrimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi. “Sida aynu ognahay Madaxweynaheenu waxa uu sheegay in shirkaasi wada-tashi qaran laga yeelanayo inkasta oo aynaan hayn fariintii rasmiga ahayd, balse haddana waxa la sheegay in shirkaasi ay wada maamulayaan dawladda Ingiriiska iyo Madaxweynaha Soomaaliya, taasina maaha mid u cuntamaysa Somaliland, kumana tagi doono meeqaam ka hooseeya kii sanadkii hore. Shirkaasina waxa uu suurtogal noqonayaa in Somaliland ka qaybgsho haddii loo wada maamulo si siman oo Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Soomaaliya iyo dawladda Ingiriiska.”

Guddoomiye ku-xigeenka oo ka jawaabay su’aal laga waydiiyay haddii ictiraafka uu Maraykanku sheegay inuu siiyay dawladda Soomaaliya. “Waynu ogayn waxaa la yidhi dowladda Maraykanka waxay ictiraaftay dowladda Soomaaliya, Somaliland wax ugu jiraa ma jiraan wax kama khuseeyaan ha la ictiraafo ama yaan la ictiraafin, dawladahaasina awalba waa ay ictiraafsanayeen oo lacagta iyaga siinayay oo caawinayay, waxa weeye dawladda Ingiriiska marnaba lagama yeelo waxaan u qalmin dowladda Somaliland iyo shacbigeeda.”

Baashe Maxamed Faarax oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi. “Waxaa maalmahanba saxaafadda iyo xisbiydda mucaaridka ah laga maqlayay wada hadal cusub iyo xidhiidho iyo waraaqo ay is-dhaafsadeen labada dawladdood, waxaan u malaynayaa ma jiro wax xidhiidh ah oo cusubi wada hadalkuna waa sii ambaqaadka shirkii sannadkii hore ee uu dhexeeyay labada dawladdood beesha caalamkuna oo ay ugu horeyso dawladda Ingiriisku goob-jooga ka ahayd waxaana shirka ugu horeeya noqonaya markaa wada hadalladu bilaabmaan.”

Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax waxa kale oo uu ka hadlay loolanka siyaasaddeed ee dhawaanahan ka oogan xisbigooda Kulmiye waxaanu isagoo arrintaas sharaxaya yidhi. “Xisbiga Kumiye waa xisbi dimuqraadi ah oo la wada leeyahay wax khilaaf ah oo jiraana ma jiro, waa soo baxay rag badan oo xilal doonaya in xil la doontaana waligeedba waa ay jiri jirtay, ragga leh sidii Udub buu burburayaa Kumiye waxaan u sheegayaa in dhawaan la qabanayo shirkii golaha dhexe markaa shirkaasbaa ninkii damac hayaaba damaciisa muujin doonaa, sidii Udubna ma nihiino UDUB waxaa wada maamulaayay Madadxweynihii iyo ku-xigeenkii markay xilka ka tageena way wada sinmeen, laakiin waxaa jooga atoorahayagii oo ah Madaxweynaha dalka ah.”

Ugu dambayn Baashe Maxamed Faarax waxa uu ka hadlay isagoo u warramayay Idaacada BBC-da cunaqabateynta hubka ee dhawaan dawladda Soomaaliya ka dalbatay golaha ammaanka, waxaanu tilmaamay haddii talaabadaas lagu dhaqaaqo in loo furo hubka dawladda Soomaaliya hubkaasi uu gacanta u geli doono qabaa’ilka, isla markaana uu dhibaatada sii kordhin doono.
by xuseen xarbi.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com