Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gaadiidka dab-damiska ayaa u gurmaday dab baaxadle oo goor dhawayd ka kacay qayb ka mid ah xaafada State-house-ka ee Magaalada Hargeysa

Hargeysa (msl) Mar 7,2013 – Gaadiidka dab-damiska ayaa u gurmaday dab baaxadle oo goor dhawayd ka kacay qayb ka mid ah xaafada State-house-ka ee Magaalada Hargeysa, kaasi oo khasaare gaadhsiiyay guryo badan oo ay ku noolaayeen dad danyar ah.

Ilaa hadda lama oga sababta dhalisay dabkan oo qiiqii ka kacay laga arkayey inta badan xaafadaha galbeedka Magaalada Hargeysa, balse waxa uu baa’biiyey guryo badan oo ahaa buulal yaryar oo ay degganaayeen dadka danyarta ah ee xaafadaasi, waxaana wariyayaasha halkaasi gaadhay sheegeen in guryaha uu dabkaasi baa’biiyey ay gaadhayaan ttobanaan guri oo nooca buulasha ah.

Gaadiidka dab-damista ee dawladda hoose iyo kuwo shirkada Dahabshiil, ayaa u gurmaday halka dabkani ka kacay, waxayna ku guulaysteen inay hakiyaan oo ay bakhtiiyaan dabkaasi oo dabayshu si aad ah u shidaysay.

dabkan oo si xawli ah u socday ayaa waxa uu gaadhay oo qaybo ka mid ah baa’biiyey guryo bangalooyin ahaa oo ku dhawaa guryaha dabku ka kacay, waxaana la arkayey dadkii guryahaasi ku jiray oo kala soo baxay wixii ay alaab qaadan karayeen, sida ka muuqata sawirada hortaada, guryaha baa’bay ayaa tiradoodu aanay weli cid masuul ahi ka hadal, balse waa tobanaan guri.

Halka dabku ka kacay oo dad badan iyo ciidan boolis ahi ku sugan yihiin, ayaan ilaa hadda la ogaan Karin khasaaraha nafeed ee uu dabkani sababey, maadaama oo xiliga dabku kacay ahayd Casarkii oo dadka waaweyn iyo Carruurtuba hurdaan

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com