Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa: Nin Xalay Toori Ku Dilay Xaaskiisii Iyo Laba Caruur ah oo uu Dhalay

Hargeysa (msl)- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in nin degan magaaladda Hargeysa uu xalay Toori ku dilay xaaskiisii iyo laba caruur ah oo uu dhalay.

Ciidanka Booliska waxay sheegeen in ninkani uu Mindi ku khaarajiyay xaaskiisii oo uur lahayd iyo laba caruur ah oo uu dhalay oo da’doodu u dhaxeysay laba illaa sadex jir.

Boolisku wax tafaasiil ah kama ay bixin dhacdadan oo anfariir ku abuurtay bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa, waxase ay sheegeen inay baadhayaan dilkan foosha xun.

War xog ogaal ah ayaa shabakadda Somaliland.Org u xaqiijiyay in ninkan uu yaallo cisbitaalka guud ee Hargeysa ka dib markii uu isku dhuftay mindidii uu qoyskiisa ku xasuuqay.

Dadweynaha Magaaladda Hargeysa ayaa si weyn goobaha bar-kulanka bulshadda ugu hadal hayay dilkan oo ay ku sifeeyeen kii ugu naxdinta badnaa ee soo mara.
by xuseen xarbi.
Hargeysa somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com