Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumadda Somaliland Oo Si Adag u Durtay Qaraarkii G/Ammaanka Q.Midoobay “Go’aankani Waxa Uu Dhibaato Ku Keenayaa Nabadda ka Jirta Geeska Afrika”

Hargeysa(msl)-Xukuumadda Somaliland ayaa qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qarramadda Midoobay ay Arbacadii cuno-qabatayntii hubka ee Soomaaliya kaga khafiifiyeen muddo sanad ah, ku sifaysay go’aan aan laga fikirin oo waxyeelaya nabad-gelyadda mandaqadda.

Wasiirka Arrimaha dibadda Iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa tafaasiil ka bixiyay siday uga xun yihiin qaraarkaasi ka soo baxay Golaha Ammaanka ee qarramadda midoobay, waxaanu yidhi “Somaliland ahaan waxaan u aragnaa go’aankaas mid aan laga fakarin oo aan wakhtigiisii iman. Waxayna dhibaato ku noqonaysaa nabadda ka jirta Geeska Afrika, khaasatan deegaanada dhulka Somalidu deggan yihiin, sida Somaliland, Itoobiya iyo dhulka kaleba.”

.
Wasiirka Arrimaha dibaddu oo maanta u waramayay laanta afsoomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay inaanay dawladda Soomaaliya dhaafin Muqdisho, isagoo arrimahaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Dawladda Soomaaliya waa dawlad cusub welina maamulkooda ma dhaafin halka ay joogto, ma jiro ciidan Soomaaliyeed oo dalka ammaanka dalka oo dhan gacanta ku haya. Deegaamadda kalena waxa ka jira maamulo kale iyo ciidamo.sidaa daraadeed go’aankan wuxuu u muuqdaa mid aan si wanaagsan looga fikirin.”

by xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com