Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

madaxwaynaha Somaliland Oo Goor Dhow U Amba Baxay Safar Uu Ku Tagayo Dalka Turkiga.

Hargeysa(msl)Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa goor dhaw ka ambo-baxaya Madaarka diyaaradaha Hargeysa, isaga oo ku sii jeeda dalka Turkiga.

Madaxwaynaha ayaa waxa safarkiisa ku wehelin doona Wasiirrada Madaxtooyada, dib u dejinta, Marwada koowaad iyo Wasiirka arimaha dibada.

Safarkan oo ah kii toddobaadkii hore baaqday, ayaa waxa uu ku sii mari doona dalka Jabuuti sida ilo-xog ogaal ahi Ramaas u sheegeen, isaga oo kulan la sii qaadan doona Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxwaynaha ayaa waxa uu Hargeysa ka dhoofayaa goor dhow, waxaanada imika jidadka Hargeysa qaarkood la dhigay ciidamada booliska iyo kuwo asluubta oo amaanka sugaya.

by xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com