Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Uhuru Kenyata Oo Noqday Madaxwaynihii Afraad Ee Kenya .

Mr_President_Uhuru_front1(msl-Nairobi)Uhuru Kenyata oo ahaa Murashaxa utartamayey jagada madaxwaynaha ee xisbiga Jubilee ee dalka Kenya, isla marakana ah raysal wasaare ku xigeenka xukuumadda sii dhacaysa , Uhuru Kenyatta ayaa ku guulaystay in codadkii ay dhiibteen dadka reer Kenya isla markana noqondoona madaxwaynaha afarta sano ee soo socda,isagoo reebay oo codad badan dheeraaday ninka sidawayn uu isaga eegayey ee Raila Odinga ah raysal wasaaraha wadankaas .
Gudidda Doorashooyinka ee wadankaasi Kenya ayaa goordhawayd ku dhawaaqay in uu kuu laystay Uhuru Kenyata oo cod aqlabiyada soo hooyey isla markaana lagaga maarmay in laqabto wareeglabaad ,hase yeeshee wararka soo baxaya ayaa sheegaya in uu Raila Odinga uu ka biyo diiday in laga guulaystay doorashada isla markaana maxkamada geeyay dacwad ka dhan ah natiijada doorashada lagu dhawaaqay,hase yeeshee wixi warar ah ee ka soo kordha iyo haalka wadankaasi siduu noqdo waxa aan idinku soo gudbin doona wararka dambe.

Cabdiraxman Dhadhere

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com