Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

War-saxaafadeed: Madaxwayne Siilaanyo Iyo Weftigiisii Oo Lagu Soo Dhaweeyay Istanbul.

Istanbul (msl)Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa maanta gaadhay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxaana soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dawladda Turkiga.

Weftiga Madaxwaynaha ayaa waxa madaarka Istanbul lagaga galbiyey gaadiidka u gaarka wufuuda caalamiga ah ee dalkaasi booqda.

War-saxaafadeed kooban oo Madaxtooyada laga soo diray ayaa lagu yidhi sidan “Madaxweynaha Jsl iyo waftigii uu hogaaminayay oo hada ku sugan magaalada stambul ee dalka turkiga ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay dalkaasi.

Waxaana lagu soo dhaweeyey soo dhawayn heersare ah, waxaana lagu galbiyay gawaadhi gaar u ah waftiga madaxweynaha jsl, waana markii ugu horeysay ee somaliland wafti ka socda sidaasi loogu qaabilo dalka Turkiga, saacadaha soo socda waxa uu madaxweynuhu u socdaalayaa magaalada ankara si uu usii wato hawlihiisa shaqo waxaanu la kulmi doonaa ra’isal wasaaraha turkiga Rajab Dayib Ordugan iyo wasiirada khaarajiga iyo macdanta iyo tamarta ee dalkan turkey”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com