Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Kulan La Yeeshay Wafti Uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Miino-saarka Hello Trust

(msl-Hargeysa) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafti uub hogaaminayo Agaasimaha guud ee hay’adda Miino-saarka Helleo Trust Mr Guy Willoughby.
Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxafadeed ka soo baxat Madaxtooyadda oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo u dhignaa sidan:-
“Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hogaaminaayey Agaasimaha Guud ee Hay’adda Miino saarka ee Hello Trust, Mr. Guy Willoughby.
Madaxweyne ku xigeenka JSL, oo kulankaasi hadalkooban ka jeediyey ayaa ku soo dhaweeyey weftiga socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland waxaanu uga mahadceliyey dedaalka ay Hay’adda Hello Trust ugu jirto la tacaalida iyo miino saarka waxaanu ku baraarujiyey inay sii kordhiyaan oo ay sii laban-laaban dedaalka ay ugu jiraan miino ka saarida deegaanada kala duwan ee Somaliland.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay inay weli jirto baahidii miino saarku isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la sii xoojiyo hawlaha miino baadhka si ay taasi meesha uga saarto dhibaatada iyo waxyeelada ay miinadu ku hayso dadka iyo xoolahaba.
Waxa isna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Miino saarka ee Hello Trust, Mr. Guy Willoughby oo tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay isaga iyo weftigiisuba kulanka qaabilaada ee uu kula yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland xafiiskiisa iyo sidii loogu soo dhaweeyey dalkaba.
Waxaanu tilmaamay agaasimaha guud ee Hay’adda Miino saarka Hello Trust, is bedelka baaxda leh ee ka muuqda Somaliland, marka la eego dhinacyada Amniga iyo horumarka (booqashadaydii ugu danbaysay ee aan ku imid Somaliland waxay ahayd 5 sanno ka hor, maanta waxa iiga muuqda isbedel la taaban karo oo dhinacyada dhismaha, Amniga iyo horumarka.
Waxaanu sheegay in hay’adda hello Trust si ay taasi u sii dhiiri geliso ay ka qaadan doonaan kaalintooda wax ku oolka ah, waxaanu balan qaaday inay sii kordhin doonaan hawsha ay ka hayaan Somaliland, isla markaana waxa uu tilmaamay in hay’dadoodu oo ay Somaliland ka shaqaynaysay tan iyo 1999-kii ay ha hawl-galaan 600 oo miine-baadhe ahi, imikana ay ku talo jiraan inay sii kordhiyaan”

xuseenn xarbi
maantasomaliland/Hargeysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com