Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa: Booliska Oo Baadi-goobaya Gacan Ku Dhiigle Maanta Toorey Qudha Kaga Jaray Wiil 15 Jir Ahaa

Hargeysa (msl)Ciidamada booliska Magaalada Hargeysa ayaa baadi-goobaya gacan ku dhiigle maanta subaxnimadii hore wiil dhalinyaro ah ku dilay badhtmaha Caasimada, ka dib markii sida la sheegay uu toorey dhowr jeer ku dhuftay.

Maydka Wiilkan ayaa laga helay agaagaarka dawladda hoose ee Hargeysa, gaar ahaan dhanka galbeed ee masjid jaamaca sida Ramaas loo sheegay, waxaana torey qudha kaga jaray Wiil la sheegay inaanu da’ ahaan ka weynayn da’da Marxuumka oo lagu qiyaasay 15 jir.

Wiilka dhintay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dhalinyarada ka xoogsada suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa, balse ilaa hadda lama garanayo sababta keentay dilkiisa oo wiilkii geystay aan ilaa hadda gacanta lagu dhigin.

Ciidamada booliska Magaalada Hargeysa, ayaa ilaa maanta ku mashquulsan baadi goobka gacan ku dhiiglahan da’da yar ee tooreyda ku dilay Wiilka kale, kaasi oo markii uu dilka geystay baxsaday.

Ciidamada booliska oo aanu isku daynay inaanu arintan wax ka waydiino ayayna noo suurto-galin inaanu helno.

Dilkan ayaa noqonayaa kii labaad ee muddo toddobaad gudaheed ah ka dhaca Magaaladda Hargeysa, waxaana Jimcihii xaafada boqol jirre ee Hargeysa ku geeriyooday hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay ka dib markii aabihii qoyskaasi uu toorey la dhex qaaday, inkasta oo markii dambe dhakhaatiirtu caddeeyeen in ninkaasi oo laftiisu nabaro isgaadhsiiyey aanu maskax ahaan fayoobayn.

by xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com