Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dablay Hubaysan Oo Caawa Hal Qof Ku Dilay, Laba Kalena Ku Dhawaacay Duleedka Degmada Xarshin Ee Gudaha Itoobiya + Magaca Ninka Dhintay

Dablay Hubaysan Oo Caawa Hal Qof Ku Dilay, Laba Kalena Ku Dhawaacay Duleedka Degmada Xarshin Ee Gudaha Itoobiya + Magaca Ninka Dhintay

ar-yugle (mslcropped-mmsll.png) Dablay hubaysan oo aan ilaa hadda la aqoonsan ayaa caawa fiidkii hal qof ku dilay, laba kalena ku dhawaacay meesha loo yaqaano War-yugle oo dhanka Koonfureed ka xigta degmada Xarshin ee Kililka Somalida Itoobiya.
Kooxdan oo la sheegay inay weerar gaadmo ah ku qaadeen dad xoolo dhaqato ah oo ku nool aagaasi, ayaa lagu soo waramayaa inay toogasho ku dileen hal nin, isla-markaana laba kale dhaawaceen.

Kooxdan falka dilka iyo dhaawaca ah geysatay ayaa la sheegay in markii ay soo galeen halka xoolo dhaqatadani deggan yihiin ay rasaas ooda kaga qaadeen, balse rasaastaasi ayaa inta la ogyahay waxa ku dhintay hal nin, waxaana ku dhaawacmay laba kale, sida uu RAMAAS u xaqiijiyey qof deegaankaasi ah oo Hargeysa ku sugan isla-markaana xidhiidh la sameeyay halka shilkani ka dhacay.

Wararkii ugu dambeeyay ee aanu halkaasi ka helayno wakhtigan, ayaa sheegaya in ninka dhintay Alle ha u naxariistee Magaciisu ahaa Ibraahim Cabdi Maygaag (Ibraahim Dhakuuke).

Deegaanka weerarkani ka dhacay, ayaan wax badan ka fogeyn deegaanka Cilmi Xirsi oo sanadkii hore dagaal ku dhex maray ciidamada kililka Somalida Itoobiya ee loo yaqaano Liyuu booliska iyo dadka deegaankaasi, halkaasi oo sida la xasuusan yahay khasaare badani ka dhacay.

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com