Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kulan lagaga wada hadlayey horumarinta Gobolada Bari ayaa manta lagu qabtay xarunta wasaaradda Qorsheynta qaranka ee Magaalada Hargaysa

Hargeysa (maantasomaliland)- Kulan lagaga wada hadlayey horumarinta Gobolada Bari ayaa manta lagu qabtay xarunta wasaaradda Qorsheynta qaranka ee Magaalada Hargaysa.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen wasiirrada wasaaradaha gaashaandhiga , Ganacsiga, Beeraha, hawlaha guud, wasiirul dawlaha gobolada Bari, wasiir ku xigeenka wasaarada macdanta iyo biyaha oo ay wehelinayeen gudoomiyayaal ku xigeenada labada gole baarlamaan iyo xildhibaano kale ayaa wasiirka wasaaradda qorsheynta qaranka Dr sacad Cali shire oo kulankaasi furay waxa uu sheegay in kulankan lagu daraasadaynayo sidii gobolada bariga Somaliland loo gaadhsiin lahaa mashaariicda waxqabad iyo kuwa horumarineed.

Mas’uuliyiin ay ka mid yahiin wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md Axmed Xaaji Cali Cadami, wasiirul dawlaha nabadgelyada ee Gobolada bari Md Keyse Cabdi Yuusuf, Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Biyaha C/salaam maxamed xasan oo kulankaasi hadalo ka jeediyey ayaa dhamaantood ku adkaystay in loo baahan yahay in la helo qorshe nadaamsan oo isku xidhan oo lagaga qayb qaato horumarin kasta oo lala damacsan yahay gobolada bari ee Somaliland, halka sidoo kalena ay u soo jeediyeen hay’adaha caalamiga ah inay si degdeg ah uga hawl galaan goboladaasi.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Cadaaladda Somaliland md Axmed Cabdi casoowe oo loo xilsaaray isku duwidda barnaamijyada iyo qorshayaasha lagaga hawlgelayo horumarinta gobolada bariga Somaliland ayaa isna madashaasi ka sheegay in ay lama huraan tahay in laga wada shaqeeyo sidii adeega horumarineed loo gaadhsiin lahaa gobolada loo qorsheynayo.
by husein harbi
maantasomaliland
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com