Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciidanka Qaranka Bariisle ee Gobolka Selal ayaa shalay dib ugu dhiibay Xukuumadda Jabuuti Sarkaal ka tirsan wasaaradda Gaadiidka dalkaasi oo ka sop baxsaday

Hargeysa (msl)- Ciidanka Qaranka Bariisle ee Gobolka Selal ayaa shalay dib ugu dhiibay Xukuumadda Jabuuti Sarkaal ka tirsan wasaaradda Gaadiidka dalkaasi oo ka sop baxsaday, kaasoo lagu magacaabo Maxamed Aadan Xsueen watayna gaadhi Layla Calawi ah.

Sida uu Baahiyay Wargeyska Waaheen Sarkaalkan ka tirsan Dalka Jabuuti waxa uu xuduudka Somaliland iyo Jabuuti ka soo talaabay isla shalay halkaas oo ay Ciidanka Qaranku ku qabteen, kadibna dib ugu celiyeen dalkiisii iyagoo u dhiibay Ciidanka Jabuuti ee Lawyacado.

Ciidanka Qaranka Somaliland waxa ay ilaa hada gacanta ku hayaan gaadhigii uu watay oo ay kala hadheen iyadoo la garan la’ yahay sababta sarkaalkaas looga reebay gaadhigii uu watay maadaama gaadhigaasi laga leeyahay Dalka Jabuuti.

Ma cada in uu Sarkaalkaasi danbi uu ka soo galay dalkaasi darted loogu gacan geliyay Ciidamada Jabuuti iyo in uu yahay nin gacan saar la lahaa Mucaaradka dalkaasi oo dhawaan markii doorashada lagag guulaytay xabsiyada loo taxaabay, kaasoo ka baqo qabay in la xidho.

maantasomaliland.com/Hargeaysa Office.

Si kasta ha ahaatee ilaa hada macluumaad faahfaahsan lagama hayo arrintan shalay ka dhacday deegaanka Lawyacado, balse arrintan ayaa noqonaysa talaabadii labaad ee ay Somaliland Dalka Jabuuti ugu celiso dad ka soo baxsaday oo si sharci daro ah ugu soo talaabay.

Sanadkii hore ayay ahayd markii ay ciidamadda aagaasi dib ugu celiyeen niman loo aanaynayay inay yihiin kooxaha Mayalka adag ee galbeedka Afrika kuwaas oo xuduudka ka soo talaabay iyagoo gaadhi wata balse Ciidanku Buuralayda Bariisle ku qabteen.sida uu soo sheegay wariyahayaga mukhtaar faarax cali oo ku sugan magaalada lawya cado
xuseen xarbi
maantasomaliland/hargaysa office
harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com