Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxwayne Siilaanyo Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga Oo Maanta Kulan Yeeshay

(msl Ankara) Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigiisa ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka Wasaarada Arimaha dibada Dalka Turkiga.
Madaxwaynaha Somaliland iyo Wasiirka arimaha dibada Turkiga, ayaa kala wada hadlay xidhiidhka labada dale e Turkiga iyo Somaliland, waxaana la isla qaatay ka wada shaqeynta arimaha horumarinta iyo
sidii dawladda Turkigu u kordhin lahayd taageerada dhinaca bani-aadamimada, deeqaha waxbarashada iyo arimaha lagu wanaajinayo xidhiidhka labada dal.
Madaxwaynaha Somaliland, ayaa Wasiirka arimaha dibada Turkiga uga waramay Somaliland iyo dedaalka diblumaasiyasadeed ee Somaliland ugu jirto sidii ay bulshada caalamka uga heli lahayd aqoonsi caalami ah sida Somaliland ay dawladda Turkiga uga baahan tahay taageero buuxda oo la xidhiidha dhinaca diblumaasiyasada.

 

 

maantasomaliland/Hargeysa OFFICE

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com