Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumadda Oo Ka Hadashay Shan Doonyood Oo Ciidamada Ilaalada Xeebaha Jabuuti Ka Kaxaysteen Gudaha Biyaha Badda Somaliland

Ceegaag (MSL) Ciidamada ilaalada Jabuuti ayaa maanta gudaha biyaha badda ee Somaliland ka kaxaystay ilaa shan doonyood oo kaluumaysi iyo ganacsi ah, waxayna ula talaabeen dhanka biyaha Jabuuti.

Doonyaha ciidamada ilaalada Jabuuti kaxaysteen, ayaa la sheegay inay qaarkood dekeda Saylac u sideen Shidaal, balse ujeedo aan la garanayn ay u kaxaysteen ciidamada ilaalada badda ee Jabuuti.

Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jirre) oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in aanay ilaa hadda garanayn sababta ay doonyahaasi u kaxaysteen ciidamada Jabuuti, balse ay xidhiidha la samaynayaan dawladda Jabuuti si ay u furdaamiso arintan.

Wasiirka oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxay ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ii soo gaadhsiiyeen in ciidamada badda ee Jabuuti ay ilaa shan doonyood ka kaxaysteen Jaziirada Ceegaag oo ah xuduudka Somaliland, kuwaasi oo qaarkoodna yihiin kaluumaysi, qaarkood sideen alaab ganacsi ah, sida shidaal”

Wasiirku waxa kale oo uu soo qaaday “Ciidamada baddu ilaa hadda ma garanayaan sababta ilaa hadda halkaasi looga kaxeeyay, laakiin waxaanu la xidhiidhnay wakiilka Somaliland ee Jabuuti, xidhiidho kale oo diblumaasiyasadeedna waanu isku dayeynaa xukuumadda jabuuti oo aanu arintan kala hadalnay” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Cabashooyin horena way jireen oo ah in ciidamada Jabuuti ay xadka kaga soo tallaabeen, waraaq ciidamadu soo qoreena waanu u gudbinay dawladda Jabuuti, markaa tana taasi ayay u egtahay”

by xuseen xarbi/Hargeysa office.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com