Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wajaale(msl)-Roobabkii Gu’ga ayaa shalay ka Curtay deegaano ka tirsan gobolka Gabiley gaar ahaana magaalada Wajaale iyo Deeganada ku teedsan ee kililka shanaad ee Itoobiya, sida Gobyaray, Qabrimacalin, wada garoon iyo degmooyinka xuduuda raacsan sida geedbalaadh.

Wajaale(msl)- doonta abaar iyo biyo la’aan la sheegay in ay beryahan danbe ka jirtay meelahaasi gaar ahaana magaalada Togwajaale iyo deeganada hoos yika maada.

Roobabka gu’ga ka ee curtay ayaa si aad ah ay ugu diirsadeen dadka deegaanadaasi ku nooli, iyada oo taasina hoos ugu
Waxaanay roobabkan shalay ka da’ay deegaanadaasi biyo galiyeen Baliyada iyo Haraha ku yaala meelahaasi, iyada oo la arkayay biyiha xareeda ah oo wadhan wadooyinka magaalada magalada Tog wajaale oo baryahandanbe ay ka jirtay biyo la’aan baahsan oo dad iyo xoolaba dhibaato ku haysay.

Roobakaasi ka curtay deegaanadaasi ayaa la filayaa in ay meesha ka saaraan isla markaana wax wayn ka tari doonaan biyo la’aan hore uga jirtay deegaanadaasi, iyada oo mudooyinkii danbe ay biyo yaraani soo food saartay dadka iyo xoolaha halkaasi ku nool.

Waxaana la sheegay in muddooyinkii danbe ay aad qaali ugu ahaayeen dadka deegaamadaasi ku nool iyo sidoo kale xoolahaba, iyayada oo foostada biyaha ahi gaadhay lacag dhan 60 Birr oo lacagta Itoobiya ah bal se roobabkan guga ee curtay ayaa lagu wadaa in dadka iyo duunyaduba ay ku diirsadaan. iyagoo ay dadkaasi ay alleh ugu mahad naqeen nimacadaasi sida uu ku soo waramey weriyaha shabakada msl jaamac axmed

xuseen xarbi
hargeisa office

harbi_31@hotmail.com
25224052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com