Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Beerta midho soo saarka Wershada sharaabka SBI Coca-Cola oo ay baabi’iyeen koox Dablay ah oo lala xidhiidhinayo Wasiir ku-xigeenka Amniga

beertaBeerta midho soo saarka Wershada sharaabka SBI Coca-Cola oo ay baabi’iyeen koox Dablay ah oo lala xidhiidhinayo Wasiir ku-xigeenka Amniga

Hargeysa(maantasomaliland) Qaar ka mid ah Shaqaalaha Ilaaliya mashruuca Beerta midho soo saarka ee Deegaanka Abdaal, ayaa wasiir ku-xigeenka Amniga ee wasarada arrimaha gudaha ku eedeeyey in koox uu soo diray ay baabi’iyeen beertaasi oo ay ka baxayeen 50 geed oo saytuun ah iyo Mishiinadii biyaha soo saarayey oo ay sheegeen in kooxdaasi ay rasaas la dhacen.

Jaamac Maxmed Cumar oo maanta warbaahinta ugu waramayey beerta dusheeda oo ku taala duleedka deeganka Abdaal ayaa sheegay in beertan uu leeyahay Mustafe Geelle una sameynayey Warshada sharaabka ee SBI Coca cola, isaga oo intaasi ku daray in saacadu markii aya ahayd Afartii habeenimo ay soo werareen koox hubaysan oo sitay qoryaha fudud, kuwaasi oo uu sheegay in ay beertii midhihii ka baxayey ay baabi’iyeen, wax kale oo uu hoosta ka xariiqay in mishiinkii biyahan soo saarayey ay rasaas kala dhacen.

Waxanu yidhi.” “Wakhtiga Nala Soo Weeraray Waxay Ahayd saacadu markii ay ahayd Afartii Habeenimo, Kooxdani waxay ahaayeen Shan nin oo sita qoryo kala ah qori faal ah, iyo laba qori oo Saar Siddeetana, iyo hal baastoolad ah, aniga kii baastoolada sitay ayaa igu qabtay, kuwii kalena waxay ku soo dhaqaaqeen mishiinkii iyo beertii, markaa Mishiinkii waxay la dhaceen rasaas, halka ay beertiina 50geed oo saytuun ah ka gooyeen, wax kale oo naga maqan 25 shay oo kala ah mandaraqyo, yaanbooyin iyo Alaabta dhulka lagu xagaafo.”Ayuu yidhi.

Jaamac Maxamed Cumar wax kale oo intaasi ku daray “Meeshan Dhacdooyin badan ayaa ka dhacay, Dhacdooyinkaasi wax ka mid ahaa in Saddex Jeer mishiinkan la Qaatay oo Saldhiga Dacar-budhuq la yidhaahdo lagu Xidhay, Kadib waa la soo qaaday oo halkan ayaa lagu soo celiyey, Markii Afraad waatan Rasaasta lala Dhacay, Runtii Alaabtii beerta oo dhami Way Wadda Maqan tahay, Dadka Waxan Sameeyey Wax ka Danbeeya Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasarada Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Abokor oo Isagu Dadkan soo Diray, Anigu haddii aanu nahay Shaqalaha Beertan waanu Cadeynaynaa in uu Wasiir ku-xigeenku uu ka Danbeeyo Kooxdan Shuftada ah, marka wasiirku qalalaase ayuu ka wadda beertan iyo intii hawshan la bilaabay.”

Wax kale oo uu faahfaahin ka bixiyey Cida leh beertan waxaanu yidhi “Haddii aan Faahfaahin idinka siiyo cida beertan lahayd, waxay ay ahaayeen dad badan oo deeganka ka mid waxayna u iibiyeen si wanaagsan oo sharciyeysan, runtii waa la wadda ogaa qof walba qiimihiisii ayaa laga siistay, waxaana iibsaday Mustafe geelle iyo Mahad shaqale.”Ayuu yidhi.

maantasomaliland.com
hargaysa
xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com