Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxwaynaha Kililka Shanaad Oo Maanta Qaddo Sharaf Loogu Sameeyay Darroor, Barrina Safar Ku Tagaya Gaashaamo

Darroor (msl)Madaxwaynaha Maamulka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, oo safar nabadeed ku marayey deegaanada ku teedsan Itoobiya ee maamulkiisa hoos yimaada, ayaa maanta lagu soo dhaweeyay degmooyinka Rabaso iyo Darroor, waxaana si weyn ugu soo dhaweeyay dadka deegaankaasi.

Madaxwaynaha oo ay weheliyaan masuuliyiin ka mid ah maamulka Somalida Itoobiya, ayaa waxa maanta qaddo loogu sameeyay degmada Darroor, waxaanu Madaxwaynuhu kulan gaar ah la yeeshay Suldaanka guud ee beesha Gobolka Hawd Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Faarax iyo Madax-dhaqameed kale sida uu soo sheegayo Wariye Siciid Gahayr oo socdaal shaqo saaka ku tagay Gobolka Hawd.

Waxa kale oo Madaxwaynaha kililka Somalida Itoobiya oo hadda ku sugan Magaaladda Darroor, ayaa waxa la sheegay inuu maalinta Barri ah uu safar ku taggi doonaa Magaalada Gaashaamo oo uu kula kulmi doono Madax-dhaqameedka deegaankaasi oo uu hormood ka yahay Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qanni

maantasomaliland.com/Hargeysa OFFice

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com