Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Arrinkan Qaadacaada Shirka Maaha Talaabo Geesinimo Iyo Amaan Lagu Mudan karo”muj.Xasan Ciise Jaamac

(MSL.-Hargeysa) Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Xaqsoor Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa sheegay in Dacwad uu ururkiisu u gudbiyey maxakamado ku yaala dalka Ingiriiska iyo maxakamadda ICC ee caalamiga ah taasi oo ka dhan ah xukuumadda ay meel fiican maraso .
xasan-ciise1
Xasan Ciise Jaamac oo maanta Warbaahinta kula hadlay Gurigiisa ayaa waxa uu sheegay in aanay ahayn mid lagu amaani karo madaxweynaha in uu qaadacay shirka London oo ay hore u sii sheegeen.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Arrinkan qaadacaada maaha talaabo geesinimo iyo amaan lagu mudan karo oo lagu tilmaami karo ayaa waa mid ay garan karto islaanta suuqa joogta iyo cidkastaaba iyo ta awrka hogaaminaysa wayna iska cadayd in uu ay Somaliya leedahay anigu hore ayaan u sheegay , oo shirkii hore ayaa amaan lahaa oo ay ahayd in laga qab-galo kaasi waxa ka mid ahaa dadkii soo jeediyey ee yidhi ha laga qaybgalo kanse maaha waayo dee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hogaaminaya , markaa madaxweynuhu ma inta uu farta taago ayuu odhan doonaa ma hadlaa Xasan Sheekh Maxamuudoow”.
Guddoomiyaha Xaqsoor Xasan Ciise waxa kale oo uu ka hadlay wada hadalo u socday ururkiisa iyo xukuumadda oo uu sheegay in aanay jirin wax hakad ah oo galay balse ay socdaan in sheegi doonaana in ay waqtiga ay dhamaadaan , waxaanu xusay in aanay ahayn natiijada laga doonayo wadahadaladaasi isku biiris dhex marta xisbiga xukuumadda ee Kulmiye iyo ururka Xaqsoor waxaanu yidhi” Wax wada-hadal ah oo la galay ma jirto arrinkaasi ee ay socdaan mana aha in ururka Xaqsoor ku biirayo Kulmiye balse waa sidii loo eegi lahaa doorashooyinkii dhacay ee Xanafta reebay”.
Xasan Ciise Jaamac waxa kale oo uu xusay in dacwad ka dhan ah xukuumadda oo uu ururkiisu ka furtay maxakamado caalami ahi ay meel fiican marayso waxaanu yidhi “Waxaanu dacwad ka furanay laba maxakamadood (high Courts) taasi oo aanu ku dacwoonayno dalka waxa ka dhacya cadaalo darro fool xun oo ay reebeen doorashadii la galay , markaa way socotaa wadahadalkan waa uu socdaa is diidimaayaan markaa waxii ka dhashana waxa ka masuul ah xukuumadda oo ah tii iyadu keentay oo ah ciddii cadaalad darrad wada anaguna waxaanu sidaasi u yeelnay waxaanu nahay cadaalad doon , waxaanu tagnay maxakamadaha dalka way na diideen‘.
Ugu dambayntii waxa uu soo dhaweeyey Xasan Ciise Jaamac hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo ku saabsanaa in xukuumadu dib u eegto dhibaatooyinka iyo tabashooyinkii ka dhashay doorashadii golaha deegaanka ee dalka ka dhacday sannadkii hore .

AXmed maxamed cawale

Maantasomaliland.com/Hargeysa Office.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com